Sunday, September 1, 2013

Hargeysa: Diyaarad 737 ah oo Maanta soo cago-dhigatay Madaarka Diyaaradaha


Hargeysa(GNA)-Diyaaradda Duulimaadyada Caalamiga ah ee Ethiopian Airline, ayaa dib u bilowday Dulimaadyadeedii Madaarka Hargeysa, mudo sanad iyo badh ah ka dib.




Diyaarad weyn oo ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya ayaa maanta soo cago-dhigatay Gegida Caalamiga ah ee Cigaal International Airports, ka dib markii la dhameystiray dib u dhis balaadhan oo lagu sameeyay Dhabaha diyaaraduhu maraan, sida uu sheegay Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo Warbaahinta la hadlay.




Imaanshiyaha Diyaaradan ayaa ka dambeeyay filasho hore loo qabay oo ahayd inay  1 bisha September hawsheeda dib u bilaabayso Ethiopian Airline, taasoo sidii la filayay noqotay.




Wasiirka duulista hawada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay inay mustaqbalka dhow Diyaarado kala duwan oo kuwa Xamuulka qaada iyo Rakaabkuba dalka ku soo furmayaan, waxaanu tilmaamay in diyaaradan maanta Madaarka soo fadhiisatay tahay tii ugu weyneyd ee soo cago dhigata tan iyo markii la dhisay 1958-kii, taasoo ay sabab u tahay dib u dhiska lagu sameeyay.




Madaarka Hargeysa ayaa sanadkan lagu dayactiray lacag ka badan shan Milyan oo Dollar oo qayb ka ah Mashruuc lagu horumarinayo Garoomada Diyaaradaha oo ay dawlada Kuiwat ku caawisay Somaliland, taasoo qadarkeedu dhan yahay 10 Milyan oo lacagta maraykanka ah.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com