Sunday, September 15, 2013

Xildhibaan Qabille: Madaxtooyadu waxay noqotay Hay’ad Dakhli Uruursi, Heshiisyada Sahaminta Shidaalkana Cuqubaa ka dhalan Doonta”


Hargeysa(GNA)-Xildhibaan Maxamed Faarax, Qabile oo ka mid mudaneyaasha Golaha wakiiladda Somaliland, ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta Heshiisyada ay Xukuumaddu la gashay Shirkaddaha Sahaminta Shidaalka, hadii aan sharciyadda la waafajin, isla markaana Goleyaasha sharci dejinta la soo marin.




Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu ka hadlay kordhin Cashuureed xukuumaddu samaysay, oo uu sheegay in lagu soo rogay Xoolaha Nool, Gaadiidka, Magta iyo qaybo kale oo ka mid ah Maceeshada Daruuriga ah, ayaa xaaraan ku tilmaamay kordhinta Cashuurahaasi.




“Xukuumaddu waa inay si dhakhso Golaha wakiiladda u horkeentaa Heshiisyada Shidaal baadhista  ee ay gashay, hadii kale wixii cuqubo ka yimaada wixii hore iyo wixii dambee dhacaba iyadaa masuuliyadooda qaadi doonta”ayuu yidhi Xildhibaan Qabille.




Waxaanu intaasi ku daray “Maanta waxa Golaha wakiillada la horkeenay laba Miisaaniyadood oo kala socda, Hay’addii Wadooyinka waxa la hoos geeyay Madaxtooyada, Haamihii Shidaalka Berbera iyo Dekediiba waxa iyagana la hoos keenay madaxtooyada,waxaanay noqotay Madaxtooyadu Hay’ad Dakhli, iyadoo wasaaraddii Maaliyadu jirta”.




Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille ayaa sidoo kale fariin siyaasadeed ka daba diray booqashada Madaxweynaha Somaliland ee Gobolka Saaxil, waxaanu u soo jeediyay inuu xaliyo tabashooyin tiro badan oo xukuumadda ay ka tirsanayaan Bulshada Gobolka Saaxil.




Isagoo dhinaca kale shacbiga Reer Berbera ugu baaqay inay si wanaagsan u soo dhaweeyaan Madaxweynaha iyo weftigiisa.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com