Sunday, September 15, 2013

Laascaanood: Isbahaysi uu hogaaminayo C/samad Cali Shirre oo ku soo Jeeda Carooley iyo Bulshada Rayidka oo isu-abaabulay Dagaal ka dhan ah


Caroole(GNA)-Wararka ka Imanaya Deegaanka Caroolay ee Gobolka Sool, ayaa sheegaya in xiisad Dagaal  oo lagaga soo horjeedo wefti ka socda Maamul Goboleedka Puntland iyo Maleeshiyaad oo ka faliidhmay Kooxda Khaatumo , halkaasi ka aloosantahay, ka dib markii  Bulshada deegaankaasi ka war heleen Imaanshiyaha labada dhinac oo isbahaysi wadaa.




Siday Gobanimonews u xaqiijiyeen xubno ka mid ah wax-garadka Deegaanku, Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntlabd Cabdisamad Cali Shirre oo wata Ciidamo aad u hubaysan  iyo maleeshiyaad uu hogaaminayo Nin Axmed Karaash la yidhaahdo oo ka tirsanaan jiray saraakiisha Khaatumo, hadase la safan dhinaca Puntland, ayaa la sheegay inay ku soo jeedaan Deegaamada Caroole iyo Hol-hol oo dhinaca Barri 89 KM kaga beegaan, waxaanay arintaasi keentay in Bulshada rayidka ah ee halkaasi degeni abaabul ka dhan ah sameeyaan si ay uga hortagaan.




Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa la sheegay inuu ka soo tegayo dhanka degmada Taleex oo uu beryahan dambe ku sugnaa, halka maleeshiyaadka Axmed Karaash la sheegay inay iyaguna ka imanayaan deegaamo u dhow Tuko-raq oo fadhiisin u ahayd.




Odayaasha dhaqanka iyo Wax-garadka deegaamada  ay ku soo wajahanyihiin, ayaa la sheegay inuu wada hadal dhanka Telefoonka ah la soo sameeyay Cabdisamad Cali Shirre, ka dibna ay isku afgaran waayeen qaabka uu ku imanayo iyo ujeedada socdaalkiisa, taasoo sababtay inay odayaashu qayb ka noqdaan dhaqdhaqaaqa lagaga hortegayo.




Faysal Jaamac Xowte oo Xoghayaha Fulinta ee Degmada Taleex  ee Somaliland, ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in xiisad colaadeed oo Puntland sabab u tahay deegaanka Caroole iyo Hol-hol ka soo fool-leeyihiin hadii aanu Cabdisamad Cali shirre ka laaban safarka uu halkaasi ku imanayo oo aanay dadka deegaanku ka raali ahayn.




Sarkaalkan oo Khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay Gobanimonews isagoo ku sugan Caroole, ayaa dhinaca Somaliland ka dalbaday inay Gurmad Ciidan u fidiyaan Bulshad halkaasi ku dhaqan si ay isaga difaacaan, waxa uu ku tilmaamay fidmada Madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo Axmed Karaash halkaasi la imanayaan.




Waxaan jooga Deegaanka Caroole oo  98 KM dhinaca Barri ka xigta Degmada Laascaanood, waxa meeshan ka aloosan xiisad  colaadeed oo ay hurinayaan ninka la yidhaahdo Cabdisamad Cali Shirre iyo Axmed Karaash oo isu bahaystay khal-khal gelinta Deegaamadan, meeshan iyadoo hore bulshada khaati uga taagnayd maleeshiyaad ka amar qaata Cabdisamad Cali shirre oo dadka dhibaato ku hayay, maanta Odayaasha iyo wax-garadka deegaamada Caroole iyo Hol-hol, waxa Telefoon kula soo xidhiidhay Cabdisamad Cali shirre , waxaanu ku yidhi waan imanayaa, dabadeed Odayaashuna waxay ku yidhaahdeen hadaad adiga oo shakhsi ah imanayso kaalay laakiinse hadaad Ciidan wadato oo arimo siyaasadeed u socoto ha noo iman”ayuu yidhi Faysal.




Waxaanu intaasi raaciyay “markaa way is-afgaran waayeen Odayaashii, markaa hada waxaa warka lagu helay inay isaga iyo Axmed Karaash oo Tuko-raq meel ku dhow Joogaa, doonayaan inay yimaadaan Deegaamadan, taana dadku way ka diyaar-garoobayaan sidii ay uga hortegi lahaayeen, waxaana laysu diyaarinayaa sidii laysaga difaaci lahaa, hubkaana loo uruursanayaa caawa”ayuu yidhi.




Sarkaalkan u hadlay Bulshada Deegaamada dirirta laga soo sheegayo, waxa uu dawladda Somaliland, gaar ahaan Ciidamada Qaranka ee Jiidaha Gobolka Sool ugu baaqay inay difaacaan shacbiga halkaasi ku dhaqan “dawlada Somaliland, gaar ahaan Ciidanka qaranka ee Jiidaha Gobolka Sool, waxaan ugu baaqaynaa inay gurmad deg-deg ah u fidiyaan shacbiga Deegaamada Hol-hol iyo Caroole ee ina cabdi samad soo weerarayo, waayo dadkani waxay ka mid yihiin shacbiga Somaliland, waxaanay doonayaan inay af-duub ku qabsadaan, ragaasi”ayuu yidhi.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo Weftigiisa ku sugan Taleex, dawlada Somaliland-na ilaa hada inta la ogyahay  wax talaabo ah oo ay arintan isku hortaagayso may qaadin.




 hase ahaatee laba todobaad ka hor ayay labada dhinac hadalo taag-taagan oo la xidhiidha safarka Cabdisamad Cali shirre ee Degmada Taleex, warbaahinta isu mariyeen, iyadoo Somaliland uga digtay weftigaasi inay ku soo xad-gudbaan Dhulkeeda, qolada kalena sheegatay inay Taleex ka tirsantahay Dhulka Puntland.




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com