(GNA) Fitamiinadu waa walxo jidhku u baahan yahay oo aanu marnaba ka maarmin si aan ugu noolaano nolol caafimaad leh. Maadaama aanu jidhkeenu samayn karin fitamiin waxaan u baahan nahay inaan cuno ama cabno walxaha ay ku jiraan, la’aantoodna jidhku wuxuu noqonayaa hawl-gab. Dabku wuxuu lumiyaa fitamiinada iyo macdanta cuntada ku jirta, hilibka oo la solo ama la moofeeyo la kariyo waxay ka fiican tahay in saliid lagu shiilo.
Ogow sida markay ku yar yihiin jidhka ay dhib u keenaan ayay sidoo kale markay ku bataan qaarkoodna dhib u keeni karaan, gaar ahaan qofka waqti dheer kaniin qaadanayay. Haddii aad uur leedahay ama aad qorsheynaysid, ha qaadan fitamiinada ay ku jiraan fitamiin A ama cunooyinka uu ku badan yahay sida beerka xoolaha sababtoo ah in badan oo fitamiin A wuxuu dhib gaadhsiin karaa ilmaha uurka ku jira.
Dadka badankii uma baahna inay qaataan kiniin faytamiin ah haddii cunadoodu ay tahay mid dheeli-tiran oo ay ku jirto khudaar iyo furuuto ku filan. Waxaa laga yaabaa inay u baahdaan inay kiniinka qaataan dadka qaarkiis gaar ahaan dumarka uurka leh,
waayeelka iyo qofkii cunadiisu aaney dheeli-tirnayan. Haddii ay noqoto inaad in aad iibsato, ku xafid meel qabow oo aane toos ugu dhacayn cadceedu . Ha qaadan caloosha oo ku madhan sababtoo ah waxay markiiba raacayaan kaadida gaar ahaan fitamiinada B iyo C, sidaas daraadeed cun maalintii cunada kadib.
Isku day inaadan cabin qadar badan oo ah shaah, qaxwe ama kofee iyo kooko-koola. Kafayiinka iyo shaahuba waxay carqaladeeyaan in aanu jidhkaagu dheefshiido fitamiinada iyo macdanta sida ayroonka.
Fitamiin A- waxa uu ufiican yahay Araga, korriinka, dhadhanka iyo abataytka.
Calaamadaha lagu garto qofkuu ku yar yahay Aragtida habeenka oo xumaata
Inta qofku maalintii u baahan yahay. 800 micrograms Cunooyinka laga heloBeerka, karootada, khudaarta caleenta cagaaran, ukunta qeybta huruuda ama jaalaha ah, caanaha iyo wixii laga sameeyo, khudaarta huruuda ama jaalaha ah.
Haweenka uurka leh :Ha qaadanin haddii aad uur leedahay ama aad qorsheynaysid, wuxuu dhib gaarsiin karaan ilmaha uurka ku jira Fitamiin B6 (pyridoxine) waxa uu uwanaagsanyahay Maqaarka, neerfayaasha, dheefshiidka. Calaamadaha lagu garto qofkuu ku yar yahay Cudurada maqaarka. Inta qofku maalintii u baahan yahay
2mg – dumarka qaata kiniinka xakamaynta uurka waxaa laga yaabaa inay u baahan yihiin ka badan
Cunooyinka laga helo -Kaluunka, muuska, digaaga ,
Fitamiin B12 (cobalamin) waxa uu uwanaagsan yahay
Samaysanka dhiiga iyo neerfayaasha. Calaamadaha lagu garto qofkuu ku yar yahay
Daal iyo caajis, xato-xato iyo kabuubyo gacanta ama cagaha, xasuus xumi iyo dhiig la’aan (aniimiya).Inta qofku maalintii u baahan yahay 1 microgram
Cunooyinka laga helo
Beedka, hilibka, digaaga, beerka, kaluunka shellfish, caanaha.
Fitamiin C (ascorbic acid)waxa uu uwanaag san yahay Difaaca jidhka, la dagaalanka bakteeriyada iyo fayruska, nabarada iyo dhaawaca bogsiintooda, dufanka dhiiga ee kolesteroolka oo hoos u dhacda . Calaamadaha lagu garto qofkuu ku yar yahay
Daal, dhiig ka yimaada ciridka iyo nabarada & dhaawaca oo oo in laga bogsan in muda ah.
Inta qofku maalintii u baahan yahay 60mg Cunooyinka laga helo
Liinta, tamaandhada, baradhada, khudaarta caleenta cagaaran.
Fitamiin D-waxa uu uwanaag san yahay
Lafaha iyo ilkaha Calaamadaha lagu garto qofkuu ku yar yahay
Lafo daciif ah iyo ilko aan caafimaad qabin. Inta qofku maalintii u baahan yahay
5 micrograms Cunooyinka laga helo
kaluunka cadceeda loo dhigay , kaluunka sardiinada, salmoonka, tuunada, caanaha iyo waxyaalaha caanaha laga sameeyo
Lasoco Qeybaha danbe
Diyaariye:C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com