Wednesday, September 11, 2013

Xasan Sheikh: Waxaanu dhisaynaa Ciidanka Ilaalada xeebaha si aanu isaga Difaacno Budhcad-badeeda iyo Kaluumaysiga sharci darada ah”


  Dubai(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta  khudbad ka jeeediyey  furitaanka shirka ka hortaga Burcad Badeed oo maanta ka furmay magaaladda  Dubai ee Isutaga Imaaraadka Carabta.




Madaxweynaha Jamhuuriyadda  ayaa  marka hore u mahad celiyey Dowladda Imaraadka Carabta oo sanad walba qabata Shirkan, daneeyayaasha ka soo qayb-galay ”Aad ayaan uga mahad-celinayaa Dowladda Imaraadka Shirkan iyo fahamka Qatarta Burcad Badeeda”ayuu yidhi.




 







Xasan Sheikh Maxamuud ayaa cadeeyay in somaliya diyaar u tahay kala shaqaynta Caalamka ee la dagaalanka Budh-cad-badeeda “ Dowladda Soomaaliya  diyaar ayey u tahay la shaqeynta caalamka si loo dhaqan geliyo  muhiimadaha gaarka ah sida, Ammaanka, Cadaaladda, hagaajinta maamulka Maaliyadda, Dowladd-wanaaga iyo  kuwa kalaba” ayuu yiri Madaxweynaha.




 



Shirkan oo sigaar ah diirada loogu saaray sanadkan Ka Hortagga Burcad Badeedka iyo iska kaashiga dhismaha  awood ka hortagta, ayaa  Madaxweynahu ka sheegay in xalka Burcad badeeda  yahay xoojinta iyo taageeridda Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana shirka ka qeyb galay madax ka socota wadamada daneeya  arrimaha Soomaaliya.




Khudbadda Madaxweynaha oo aad u dheerayd, kuna akhriyay Luuqada Ingiriisiga waxa kale oo uu ku sheegay inay somaliya ka soo kabanayso dhibaatooyinkii daba dheeraaday ee ka jiray, una baahantahay in taageero lala garab galo ilaa inta ay cagaheeda ku istaagayso.




 







Waxa kale oo uu sheegay inay dawladiisu dhisayso Ciidamada Ilaalinta Xeebaha si ay ula dagaalamaan Budhcad-badeeda iyo Kaluumaysiga Sharci darada ah “waxaanu dhisaynaa Awoodii Ciidanka Ilaalada Xeebaha sharciyan, si ay ula dagaalamaan Budhcad-badeeda, Kaluumaysiga sharci darada ah iyo qashinka lagu qubo Biyaha Somaliya, waxaanan u samaynaynaa Ciidankaasi tababar iyo dib u habayn, si loo tayeeyo aasaaska hay’adaasi”.




Ugu Dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Isutaga Imaaraadka carabta  Sheekh Abdullah Bin Sayed, waxaanu kala hadlay xiidhidhka labadda dalka.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com