Wednesday, September 11, 2013

SL: Madasha Wada-tashiga iyo Xisbiyada Mucaaridka ah oo Maanta ka shiray Marxalada dalku marayo iyo Mugdiga ku jira Doorashooyinka Mustaqbalka


Hargeysa(GNA)-Hogaanka sare ee Madashada wada-tashiga iyo Toosinta qaranka iyo Madaxda labada Xisbi Mucaarid ee Somaliland ayaa Maanta kulan saddex Geesood ah ku yeeshay Hudheelka Amdasador ee Magaalada Hargeysa, waxaana kulankaasi ka qayb-galay labada Guddoomiye ee Xisbiyada UCID iyo WADDANI.




Ma Cadda waxyaabaha shirkaasi lagaga wada hadlay, hase ahaatee Ilo-wareedyo qayb ka ahaa dhinacyada uu dhex maray, ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in qodobada ugu muhiimsan ee lagaga wada hadlay ay ka mid ahaayeen sidii ay saddexda dhinac iyagoo wada jir ah u waajihi lahaayeen toosinta Khaladaadka xukuumadda iyo gol-daloolooyin ay istuseen inay qaranimada waxyeelayaan oo dalka jira, kuwaasoo ay doonayaan in talo laga yeesho.




Qodobada kale ee la sheegay in kulankaasi lagu soo qaaday waxa ka mid ah sidii labada ay xisbi uga qayb-qaadan lahaayeen shirweynaha Qaran ee Madasha wada tashigu qabanayaan iyo in Xukuumadda iyo Hay’adaha Doorashooyinka  Cadaadis lagu saaro inaanay doorashooyinka Madaxweynaha iyo Baarlamanku dib uga dhicin xiliga u cayiman.




Xisbiga WADDANI waxa kulankaasi goob-joog uga ahaa ilaa tobaneeyo Xubnood oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Xisbiga Cabdiraxmaan Cirro, Guddoomiye ku-xigeenkiisa iyo xubno kale oo sar-sare, halka dhinaca UCID-na  ay ka qayb-galeen Gudoomiyaha Xisbiga Faysal Cali Waraabe, Muj. Cali Guray iyo xubno kale oo door ah.




Dhanka Madasha wada-tashiga waxa shirkaasi ka qayb-galay Guddoomiyaha Golahaasi Xasan Guure, Muj. Xasan Ciise Jaamac , Saleban Cali Koore iyo masuuliyiin kale oo ka mid ah Golahaasi.




Kulankan oo noqonaya kii ugu horeeyay ee dhinacyadani yeeshaan tan iyo markii la aasaasay Metelayaasha Dalada siyasadeed ee Madasha wada-tashiga, ayaa sii xoojinaya dhaqdhaqaaqyo Mucaaridnimo oo ay beryahan dambe xukuumadda ku hayaan Xisbiyada Mucaaridku, kuwaasoo xambaarsan Eedeymo is-daba joog ah iyo wax ka sheegista Dhaliilaha dawlada.




Arimahan oo iskaashaday ayaa u muuqda kuwo Diirimaad ku soo kordhiyay Saaxadda siyaasadda oo sadexdii sanadood ee ugu dambeeyay xukuumaddu manjaraha u haysay, iyadoo aanay jirin mucaarid awood badan oo iska caabiyi kara faro-gelinta Xukuumadda.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com