Thursday, September 12, 2013

Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Awdal Oo Soo Bandhigay Natiijada Imtixaanaadkii Shahaadiga Iyo Sida Dugsiyadu U Kala Sareeyeen Waxana uu fariin udiray Waalidiinta Reer Awdal


Boorama-(GNA) Gudoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Awdal Prof. Cumar Suldaan Indhamood ayaa maanta ka war bixiyay natiijadii imtixaanaadka shahadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare ee soo baxday kaalimihii uu gobolka Awdal ka galay.




Gudoomiyuhu isga oo ar imahan ka hadlaya waxa uu yidhi “Gobolka Awdal tartankii sanad dugsiyeedkii dhamaaday ee aan natiijadiisa hayno waxa ka qa yb galay dugsiyada dhexe 1744 arday oo isugu jiray wiilal iyo gabdho, badankooduna si wanaagsan ayay u gudbeen, marka laga reebo qayb yar oo faro ku tiris ah, waxana uu ahaa ardaygii ugu




horeeyay ee dhinaca wiilasha dugsiyada dhexe ugu sareeyay gobolka Awdal Cilmi Cabdi Muuse oo ka socday dugsiga dhexe ee HABAAS, waxana uu keenay darajo dhan 571, halka ay gabdhahana kaalinta koowaad ka gashay Ayaan Xaaji Maxamuud Xadi oo ka socotay dugsiga Dhexe ee Xuseen Miigane ee Magaalada Dila oo keentay darajo dhan 603, waxana an u hambalyaynayaa si balaadhan oo aan qirayo inay dadaal badan sameeyeen.




Gudoomiye Cumar isaga oo hadalka sii wata waxa uu ka waramay dugsiyada sare ee Gobolka Awdal iyo natiijadii ka soo baxday ee imtixaanadii sanad dugsiyeedkii dhamaaday waxana uu yidhi “Waxa dugsiyada Sare u fadhiistay imtixaanka 1095 arday, waxana gobolka Awdal dhinaca wiilasha kaalinta koowaad ka galay Cabdinaasir Nuur Ibraahim oo ka socday dugsiga sare ee Sh. Cali Jawhar waxana uu keenay 568 dhibcood, halka ay dhinaca gabdhaha dugsiyada sare ugu saraysay Asma Sh. Xasam Deheeye oo ka socotay dugsiga sare ee Al-Aqsa, isla markaana ay keentay 585 dhibcood, waxana uu mar kale hambalyeeyay ardayda dugsiyada sare ee gabi ahaanba gudbay oo uu kula dardaarmay inay sii amba qaadaan dhabada tacliinta.




Dhinaca kale gudoomiyaha waxbarashada ee gobolka Awdal waxa uu la dardaarmay waalidiinta oo uu xusay inay indhaha ku hayaan waxbarashada ardayda ay waalidka ku yihiin, waxa uu uga digay inay geeyaan ardayda dugsiyo aan tayo lahayn oo aanay wasaaradu aqoonsanayn.




WARIYE: Mustafe caraale




Caraale_143@hotmail.com




Borama office