Xariirad-(GNA) Munaasabad balaadhan oo lagu soo afmeerayay shaqaaqadii ka dhacay degaanka xariirad ee u dhaxaysay beelaha walaalaha ah ee wada degen degaankaas ayaa shalay ka dhacday mid ka mid ah hoolalka waaweyn ee dugsi ku yaala degaankaas.
Madashaas oo ahayd mid aad u xasaasiya ayaa waxaa ugu horeyn hadal ka soo Jeediyay wasiirka xanaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw-Daahir oo ka mid ahaa ergo wasiiro ah oo dhawaan halkaas gaadhay waxaana uu yidhi .
“Caqli Midaysan Odayaal Midaysa Awal horeba waxaan ahany reer Xariirad in ay noqono reer Xariiradkeenii hore ,intii degenaydna reer Xariirad intayadii inii nimidna aan noqono reer Xariirad,waayo magic iyo sharaf ayaa cid wala ugu jira Allena jasaa iyo abaal marin ayuu agtiisa ka helayaa hadii halkan nabad laga helo insha allaahu Tacaalaana waanan rajaynayaa in wacdi iyo waano faro badan idiin galno maahane waxa weeye maanta golahan aad timaadeen ayaa muujinaysa inaad doonaysaan in aan nabad meesha ka dhalino.
Wasiir Cabdi Aw-Daahir isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi”Waxaa kale oo la inagu yidhi Nabigeenii Suubanaa NNKH Dila wuu dhacaa Goormuuse wanaag dhacaa ,Marka muuse oo kale gacan fudud iyo tallo fudud iyo xabad baxsata iyo mindi dhacda iyo khalad yimaada waligii intuu caalamkku jiro shaydaanka ayaa gujinaya,se maxaa lagu badbaadaa Hadii cilmi iyo muuse la waayo oo la yidhaahdo wax walba inagaa ku saxsan waa markas marka ay dhibaatadu dhacayso ,Maanta marka aan cilmi iyo muuse leehay waa inteena uun,waanan kuwada jirnaa oo waan ku soo halqabsanayaa Uun.”
Sidoo kale waxaa isna halkaas ka hadlay Wasiir wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada. wasiir Garaad waxa uuna yidhi “Waxaan halkan u nimid in aan islaax iyo nbad ka dhalino dawladu sida loo sheegay ahmiyada koowaad waxa ay siisaa Nabadda ,miisaaniyadeeda 60% ama 80% waxa ay u qoondaysay Nabadd Nabad Nabadd,Dhaqdhaqaaqa kale ee bulshada waa la kala qixi lana kala guuri lana is aamini maayo hadii nabad La Waayo Wixii dhacay way dhaceen maxay u dhaceen lama odhanayo ee waxaa haboon uun in xalka iyo nabad ka wada shaqaynta uun laga wada shaqeeyo.
Dhanka kale waxaa isna halkaas ka hadlay wasiir ku xigeenka Cadaalada Somaliland waxaana hadaladiisii ka mid ahaa” Sida Wasiir garaad sheegayba siyaasada Dawladeenu waa Nabad waxaa la inaga rabaa in wanaag adoo xumaano badan inaad dhaafto oo aad dusha ku qaadato ayaa la rabaa wanaagu xagaaga in uu ka yimaado ayaa la rabaa.”
Waxaa ugu danbayn ka hadlay mid ka mid ah xildhibaanadii golaha guurtida Somaliand ee horey ugu sugnayd degaankaas waxaana hadaladiisiina waxa ka mid ahaa” Halkan Hadalka lagu hayaa waxa weeyaan oo ay wasiiradu u yimaadeen oo aan anagu bil dhawdhaw u fadhinay oo odayaasha isu yimid u yimaadeen waa xariirad oo nabadda illaahay sidaas ayaan ka baryaynaa in nabad waarta xariirad laga helo oo finkaa ku taagan Somaliland waanan idiin sheegayn 11 Xubnood ayaa horteena imanay oo labo labo u imanaya oo dhaaranaya oo waliba u dhaaranaya reerkii uu ka soo jeedo in Nabadd u hawlgalayo oo uu ugu shaqaynayo,wixii khalad iyo khalkhal ka wadana uu qabanayo.”
Gabagabadii madashan ayaa waxaa halkaas lagu Dhaariyay min 11 Xubnood oo ka kala socday Labada Beelood ee Walaalaha ahaa halkaas oo ay ku dhaarteen In dhinac walba dhankiisa ka adkayn doono Nabadda kana wada qayb qaadan doonaan wax alla wixii Nabadda wax \yeelaya.”
Wariye:Mustafe caraale
Caraale_143@hotmail.com
Borama office