Brussels(GNA)-Ururka midowga Yurub, ayaa lacag gaadhay £124 Milyan EURO ku taageeray Hawl-galka Ciidamda Amisom ee Somaliya, taasoo lagu xoojinayo awoodda Ciidan iyo farsamo ee dagaalka ka dhan ah kooxda Al-shabaab.
Shaacinta taageeradan ayaa ku soo beegmaysa xili Maalinta Berri oo Isniin ah 16 Bisha September, Magaalada Brussels uu ka furmayo Shir lagu taageerayo hanaanka cusub ee wada shaqeynta iyo taageerada loogu fidinayo somaliya (New deal Compacts),kaasoo ay soo qaban-qaabiyeen midowga yurub iyo dawlada somaliya, kana soo qayb-gelayaan dhamaan daneeyayaasha Caalamka ee somaliya iyo madax ka socota qaramada midoobay.
Lacagtan, ayaa qayb ka ah qorshe la doonayo in dalka lagaga sifeeyo Ururka Al-shabaab, isla markaana Ciidamada Amisom iyo kuwa xooga dalka somaliya lagu gaadhsiinayo Gobollada wali gacanta ugu jira kooxda Al-shabaab.
Madaxa Xafiiska horumarinta ee Midowga Yurub Andris Piebalgs ayaa sheegay “Nabad-gelyo iyo amaan ka dhaca somaliya waxay faa’ido u tahay dadka somaliyeed iyo waddanka oo dhamaan nabad-gelyo ka hir-gasho, AMISOM waxay kaalin weyn ka ciyaartay degenaanshiyo aakhirka nabad-gelyo looga gudbo oo Masuuliyadda amniga ay la wareegto dawlada somaliya, waana meesha lagu socdo si loo daboolo baahiyaha nabad-gelyo ee hada jira” ayuu yidhi.
Wakiilka sare ee siyaasadda ee Midowga Yurub Catherine Ashton, ayaa iyaduna sheegtay “Ciidanka AMISOM iyo Ciidanka qaranka somaliya, iyagoo taageero ka helaya Midowga yurub iyo dhinacyada kale ee Taageera, waxay ku guulaysteen inay sugaan amaan suurto geliyay in la helo siyaasad lagu abuuro dariiq bilow u ah dib u heshiisiin in la sameeyo”ayay tidhi.
Waxaanay intaasi ku dartya “ Qorshaha lagu sameynayo Heshiiska cusub ee lagu gaadhayo shirka Brussels, ayaa fure u noqonaya heshiis cusub oo laga sameeyo taageerada somaliya” ayay tidhi.
Midowga yurub ayaa sidoo kale ku baaqay inay daneeyayaasha arrimaha somaliya si dhakhso ah ugu yaboohaan dhaqaale lagu taageerayo hawl-galka AMISOM iyo dhismaha ciidanka xooga somaliya, taasoo ay sheegeen in loo baahanyahay intaan la gaadhin 31 December ee sanadkan, waxaanay qadarka lacagtaasi ku tilmaameen ilaa lix boqol oo Milyan oo EURO (600 EURO).
Maqsadka ugu weyn ee loogu talo galay lacagta midowga yurub ku yaboohay, ayaa ah in Ciidamada huwanta ah ee AMISOM iyo Milateriga somaliya lagu fidiyo Gobollada Al-shabaab gacanta ku hayso iyo in Bilayska AMISOM ee Muqdisho la keenay lagu hawl-geliyo.
Shirkan ayaa madaxweynaha somaliya xasan sheikh Maxamuud iyo Madax kale uga qayb-gelayaan dhinaca somaliya, kuwaasoo gaadhay maanta xarunta midowga yurub ee Brussels.
Gobanimonews
London Office
Email: editor@gobanimonews.com