Monday, September 16, 2013

Wasiir Cabdi-waaxid: Madaxweyne Siilaanyo cid Doorashada soo socota kula tartami kartaa ma jirto! Akhri Xukuumadda oo caawa iska difaacday Dhaliilo badan


Hargeysa(GNA)-Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacy-gelinta Somaliland Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, ayaa faahfaahin dheer ka bixiyay Safarka Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftiga la socda ku marayaan Gobollada Saaxil iyo Togdheer, mashaariicda la furay, kuwo uu maanta dhagax dhigayo madaxweynuhu, waxyaabaha u qabsoomay xukuumadda intii ay jirtay iyo arimaha u qabsoomay weftiyo weftiyo kale oo xukuumadda ka tirsan oo hawlo shaqo ugu kala maqan dibada iyo gudaha dalka.




Cabdiwaaxid C/qaadir Cabdiraxmaan  oo Caawa shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, ayaa sidoo kale dhaliilay hadalo ka soo yeedhay ashkhaas ka tirsan Madashada wada tashiga iyo Xisbiyad mucaaridka uu sheegay inay  safarka madaxweynaha wax ka sheegeen, kuwaasoo u jeediyay inay ka fiirsadaan dhaliisha xaqiiqada ka fog.




Wasiir ku-xigeenku isagoo ugu horayn faahfaahinaya safarka madaxweynaha iyo ujeedooyinka uu xambaarsanyahay waxa uu yidhi “Waxaynu ognahay in madaxweynuhu shalay halkan ka baxay, wuxuu safarkiisa ku bilaabay inuu furo kuliyadda Tababarka Ciidamada ee Darar-weyne halkaasoo saraakiisha ciidamada Somaliland ee u horeeyay tababarkoodu ka bilaamay, waxaana weeye markii ugu horaysay ee kuliyad noocaas ah laga sameeyo Somaliland intii dalku jiray, waxaanay ahayd wax dalka ku cusub, waxaad ogtihiin in Ciidamadeena tababar loo geyn jiray dalalka Deriska ah maanta inaynu helno kuliyad dalka gudihiisa laga sameeyay oo ay xukuumaddu gacan ka geystay, haday noqotana saraakiisha tababarka bixinaysaa Somaliland yihiin, waxaanay soo afjartay bixintii derejooyinka oo intii qaadatay siinayso si kuwa soo baxaya loo siiyo derejooyinka, waxaana weeye arin runtii muhiimad weyn dalka u leh”




“waxa ku xigtay in maanta ,oo  madaxweynuhu ku hoyday Berbera, halkaas Mashaariic kala duwan oo laga hir-geliyay, qaar xadhiga ka jaray, qaarna dhagax dhigay, waxaana weeye mashaariic Maamulka gobolka Saaxil iyo ka degmada Berbera hir-geliyeen, ka dib madaxweynuhu wuxuu maanta (shalay)  u dhaafay Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer, halkaasoo uu berito, kormeer ku tegi doono waddada laga waddo Oodweyne, waxa kale oo uu dhagax dhigi doonaa waddada dheer ee Ceerigaabo, waxaanu dhagax dhigaasi soo af-jari doonaa balanqaadkii Xisbiga Kulmiye Ololaha ku galay oo tii ugu dambeysay ah.




Waxaynu ognahay in Mashruucaa dhismaha waddada ceerigaabo u dambeeyay balanqaadkii xisbigu qaaday oo la fuliyay, waxaana ka horeeyay derejo bixintii ciidanka, qofka hogaamiyaha ah waxa lagu gartaa inuu guulaystay marka uu wuxuu umadda u balan qaado markuu ololaha ku jiray uu  fuliyo, sidaynu ognahayna Doorasho dambe hadii dhacdo cidiba lama tartanto sidaasuu ku helaa”ayuu yidhi.




Cabdiwaaxid, ayaa dhinaca kale  sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha u qabsoomay xukuumadda oo uu ku tilmaamay inay kor u dhaafayaan wixii Xisbiga Kulmiye Ololaha Doorashada ku galay.




“Waxaynu ognahay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay dhinac walba wax ka qabatay, bulshaduna ay markhaati ka tahay, dadka Somaliland jecel ee Indhahoodu wax arkayaana arkayaan, kuwa iyagu buka ee wanaagaa Muraayadaha mad-madow ka sita ilaahay ha tusaanu leenahay, laakiinse inta caafimaadka qabtaa way arkaysaa in wax laga qabtay dhamaan adeegyada Bulshada, haday tahay Waddooyinka, Caafimaadka, Biyaha, Dekeddaha iyo shaqo abuurka  oo waynu ognahay inay xukuumaddu shaqo abuur badan u samaysay oo intaasoo kun oo dhalin-yaro ah la shaqaaleysiiyay, loona sameeyay guddi wasiiro ah oo wasaaradda warfaafintu ka mid tahay, qorsheheediina la wado, sanad walba shaqaale cusub dawlada lagu kordhiyo, mushaharkii shaqaalahana sanadkan 20% ay ku korodhay.




Dhinaca dhaqaalaha markay noqoto dhawr iyo afartan Milyanbay ahayd Miisaaniyadu markii aanu la wareegnay , afar bilood shaqaaluhu may qaadan mushahar, maantana saddex jibaarbay maraysaa” – “dadbaa waxay ka hadlaan musuqmaasuq, hadii wax la musuqmaasuqay miisaniyadu intii hore ayay joogi lahay ama way ka yaraan lahayd, markaa maanta markaad eegto halkay miisaaniyadu gaadhay, mashaariicda dhinac walba leh ee la fuliyay iyo mushaharka shaqaalaha loo kordhiyay qofka leh musuqmaasuqbaa dhaca qof xumaan uun iska sheegaya, laakiinse wax musuqmaasuq ahi ma jiro”ayuu yidhi.




Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Somaliland waxa kale oo faahfaahin ka bixiyay wefti wasiirro ah oo hawlo-shaqo ugu maqan waddamada Itoobiya iyo Ingiriiska, haadana  isugu yimi Magaalada Addis-ababa, kuwaasoo uu sheegay inay hawlo muhiim ah qabteen, kulamona la yeesheen madaxda dawlada Itoobiya qaarkood.




“sida la ogyahay wasiirro xukuumadda ka tirsan ayaa dibada ku maqan, Ingiriiska ayaa la soo maray, Itoobiya ayaa maanta la joogaa, wasiirkii arrimaha dibadu wuxuu ku biiray weftiga addis-ababa jooga ee kala ah wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiirka duulista hawadu, waxaanay soo adkeeyeen cilaaqaadka aynu la leenahay dalalka Ingiriiska iyo  Itoobiya oo ay si gaar ah xukuumadani mar walba ahmiyad u siinayso inuu sii kobco, maantana meeshii ugu wanaagsanayd maraya”ayuu yidhi.




Waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata intaasi uu raaciyay “Safaaradda Itoobiya way la kulmeen labada wasiir ee arrimaha gudaha iyo duulistu, markii uu maanta ku soo biiray wasiirka arrimaha dibaduna waxay la balansanyihiin Wasiirka arrimaha dibada ee Itoobiya iyo madax kale oo tiro badan oo itoobiyaan ah, waxaana laga yaabaa inay Raysal-wasaaraha laftiisa is-arkaan.




Waxaanay taasi ku tusaysaa xukuumaddu siday ugu dedaalayso ilaalinta cilaaqaadka aynu la leenahay dalalka caalamka,kuwa Gobolka ama kuwa fog-fogba ha ahaatee maanta inuu cilaaqaadkaasi meel wanaagsan marayo”.




Ugu dambeyn Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan waxa uu jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Muj. Xasan Guure Jaamac oo nuxurkiisu ahaa in madaxdii dawladu dalka ka maqantahay.




waxaanu yidhi “ waxa kale oo jira in xasan Guure yidhi madaxdii dawladu dalka way ka wada maqantahay oo madaxweynihii maqanyahay, madaxweyne ku-xigeenkii maqanyahay, wasiirkii arrimaha guduhu maqanyahay, markaa xasan malaha burcuu u haystaa inay dibadda tahay, markaa waxaan leeyahay madaxweynugu dalka isagaa ka madaxweyne ah,haduu doono burco lix biloodbuu joogayaa, dawladda inteedii kale Hargeysa ayay joogtaa, intii uu u xushay inay safarkaasi u weheliso ayuunbaana raacday, laakiinse masuuliyiintii kale Hargeysa ayay joogaan, madaxweyne ku-xigeenkuna arrimo caafimaad ayuu dibada ugu maqanyahay, wasiiradda dibada ku maqanina waxay xoojinayaan siyaasada khaarajiga, waxa kale oo jira wasiirro xariirad ku maqan oo arrimo nabadeed halkaa u jooga”ayuu yidhi.




Waxaanu hadalkiisa ku daray “waxaanay arimahaasi ku tusayaan inay maanta xukuuamddu dhinaca nabad-gelyada, dhanka horumarinta iyo dhinaca arrimaha dibada intaba inay gacanta ku hayso, waanaynnu ogayn shaqaaqadii Oog ka dhacday siday markiiba xukuumaddu ugu gurmatay, waxa kale oo uu ka hadlay Xasan Guure inay shirkaddaha dalka ka baxay nabad-gelyo daro u baxeen, waxaanu cadeynaynaa inaanay jirin meel ay ku sheegeen ama hadalkaa ku yidhaahdeen annagu ma hayno , markaa qofka sidaa u hadlay waxa laga doonayaa cadeynteeda.




“maanta waxaynu ognahay somaliland waxa ka jira nabad-gelyo aan Mandaqada iyo meelo badan oo aduunka ah ka jirin, meeshii ugu wanaagsanayd ayaanay nabad-gelyadu maraysaa, waxa kaliya ee aynu haysano ee laynagu amaanayna waa nabad-gelyo, markaa markay leeyihiin  nabad-gelyo daro ayaa dalka ka jirta way iska cadahay inay been dadka u sheegayaan, waxaynu ognahay in shirkadduhu dalka ku soo kordhiyeen shaqo abuur, markaa hadii la yidhaahdo waxa jirta shaqo la’aan marna laga xumaado shirkadihii shaqo abuurka laga helayay ee horumarka dalka soo gelinayay laba isqabta maaha”.




Isagoo hadalkiisa sii wata wasiirku waxa kale oo uu sheegay “dadka maanta siyaasadda u bu’ayaa inuu arimahaa ku galgasho maaha ee  dalka xisbiyo qaranbaa jira, saddexdaa xisbibuu ku biiri karaa, waxaanaynu ognahay Doorashadii laba sanadood in ka yarbaa hadhay, doorashada ha u diyaar garoobo” – “, xukuumaddani kalsooni shacbay leedahay waynu ognahay aqlabiyadii lagu doortay, tii ugu dambeysay ee Golaha deegaanka Kalsoonidii umadda ayay ka heshay, tu kasta oo timaadana taageeradaa iyo tu ka badanbay helaysaa, waxaana ka markhaati ah sida maanta madaxweynaha meel kasta oo u tego loogu soo dhaweynayay, markaa waxaan leenahay nimankaa Odayaasha ah ee had-hadlayaa waxay ka hadlayaa waa wax taariikhda u gelaya ee haka fiirsadaan, ninka maanta madaxweynaha horumarka dalka ka shaqaynaya ku hiifaya dalkiibuu ka tegayannagu garan mayno wuxuu doonayo”ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Somaliland.




Hadalk wasiir ku-xigeenka ayaa muujinaya xumad siyaasadeed oo ay xukuumaddu ka qaaday dhaliilaha Mucaaridka oo todobaadyadii ugu dambeeyay heega goostay, isla markaana lagu soo faqay tobanaan eeddood dhinacyo badan taabanaya.




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com