(GNA) Nin dhalinyara ah oo arday Ka ahaa Jaamacad kutaala gobalka machigan ee cariga mareykanka
ayaa jaamacada machigan ardayda waxaa ka barata gaar ahaan maamulka iyo maareenta iyo xisaabaadka ayaa waxa toos ula soo xidhiidha Bananka waa weyn ee caalamka iyo Bank of America bangigan laga leeyahay mareykanka ayaa ardayda kuwa ugu sareeya ee ay laba sanadood u hadhsan yihiin waxa uu sii yaa shaqo ku meel gaadha marka uu dhameeyo jaamacadna waxa uu noqdaa shaqaale rasmiya.
hadaba Ninkan dhallinyarada ah waxaa uu ahaa nin waayihii dambe aad u dadaal badan, Bank Of America ayaa waxaa looga balanqaaday shaqo mushaharkeeda bankigu ku sheegay 45,000 oo geniga starliinka ah una dhiganta 50,000 oo doolarka Mareykanka ah.
Hadaba maxaa ku dhacay Moritz Erhardt?, Waxaa ninkan oo ay da’diisu aheyd 21-jir, waxaana uu bilaabay in uu habeenkii ilaa waagu ka baryeyo uu shaqeeyo, shaqadiisa darteed waxaa uu ku qaatay magaca ah “All-night worker” Shaqaalaha Bankiga subixii waxa ay imaan jireen Moritz Erhardt oo shaqada ku jira oo isla iyaga ayaa uu shaqada la ambaqaadi jirey kadibna waxa uu saacado kooban iskaaga soo bedeli jirey dharka uu xidhan yahay isagoo shaqada ku soo noqon jirey.
'All-nighter': Moritz Erhardt, 21, had been working gruelling hours as an intern at an investment bank.Moritz Waxa uu ahaa Arday jaamacadeed ma aheyn shaqaale buuxa waxaana uu u balansanaa in uu Bankiga ka qabto jago sare, hase yeeshee saacado shaqo waalli ah oo uu shaqeeyay ayaa ku kalifay in uu u geeriyoodo dadaalkaas.
Ninkan ayaa waxaa saacadahaas uu shaqeynayey uu ka dhaxlay jahawareer caafimaad oo kalifay in uu maalinimada awood u yeelan waayo in uu caadi ahaado.
Qof kale oo saaxiib la ahaa wiilkan oo ay isla dhiganayeen hal maado jaamacada University of Michigan, ayaa sheegay in uu uga sheekeyn jirey ardeyda in lagu xujeeyay in uu shaqeeyo habeenkii oo dhan 8 maalmood labadii todobaad. Si aanu shaqadiisa u waayin waxaa uu sameeyay shuruudihii madaxda Bangiga.jariirada The Sunday Times in wiilkan Moritz uu bankigu u balanqaaday in loo dalacsiinayo jago Bankiga ka mid ah oo uu shaqadaas ka bedelayo nin isagu qeybta maalgelinta fadhin jirey oo mushaharkiisu ahaa £45,000. Waxaana shaqadan la sugayey in ay u bilaabato sanada soo fooda inagu soo heysa, oo ku beegan waqtiga uu jaamacada dhameyn lahaa.
” Waxaa uu ahaa ninka ugu dadaalka badan, ardaydii tababarka u joogtay Bankiga, Waxaana loo diyaarinayey in uu shaqo fiican mustaqbalka ka helo bankiga iyadoo offer-ka aan weli shaaca laga qaadin balse hoos ahaan loo ogaa” sidaas waxaa sheegay madaxda bankiga”
Bank of America laantiisa degaanka Merrill Lynch ayaa jimcihii la soo dhaafay shaaciyey in uu wax ka badalayo sida uu ula dhaqmo shaqaalihiisa isagoo bankigu baaris ku sameyn doono shaqaalaha kale xaaladooda shaqo, kadib dhimashadii Morits Erhardt.
Warkan ayaa qeexaya in Bankiga “Bank of America” uu yahay mid hore u soo tababaray dadka ugu horumarka badan caalamka, tusaale ahaan bankiga ayaa horey u soo saaray maamulayaasha shirkadaha dunida ugu caansan sida shirkada KPMG Consulting, Morgan Stanley iyo bankiga kale ee caanka ah ee Deutsche Bank.
Bank Of America waxa uu shaqaalaha caalamiga ah u tababaraa nidaamka xisaabaadka, iyadoo Mr Erhadt uu ahaa arday baranayey maadada business administration ee Jaamacada University of Michigan. sidoo kale waxaa uu arday ka soo ahaa WHU Otto Beisheim School waxaan uu halkaas ka soo bartay maadada Maamulka.
Madaxa xidhiidhka dadweynaha ee Bank of America Peter Augstin ayaa sheegay in ay wax ay la yaabeen ay noqotay in wiilkii ugu firfircoonaa bankiga uu meesha ka baxay.
Diyaariye:C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com