Monday, September 16, 2013

SL: Xukuumadda oo waaran soo qabasho ah la day-daysa Taageerayaasha Suldaan sabab la’aan ugu xidhan todoba Casho


Hargeysa(GNA)-Xukuumadda Somaliland ayaan wali Hay’adaha Garsoorka dib ugu soo celin Mukhtaar Jibriil Muuse oo dhawaan la doonayay in Suldaan loogu caleemo saaro bah-wadaagta Beelaha Baha-habar magaado (Isaaq), kaasoo arbacadii todobaadkii hore maxkamaddu dalbatay in  dambiga loo haysto garsoorka la horkeeno hadii xoriyadiisa loo soo celiyo.




Suldaan Mukhtaar oo la filayay in Sabtidii Maxkamadda lagu celiyo ayaan ilaa maanta oo Axad ah saldhiga laga soo qaadin, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen qaar ka mid ah eheladiisa, iyadoo aan haba-yaraatee wali laanta dambi baadhistu inta la ogyahay wax Kiis ah ku haynin.




Dhinaca kale sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka iyo garsoorku waxa Waaran soo qabasho ah lala daydayayaa xubno ka mid ah guddi qabanqaabinaysay Xaflada Caleemo saarka Mukhtaar jibriil Muuse oo bishan ka dhici lahayd Tuulada kala-baydh ee Gobolka Gabiley.




Guddoomiyaha Guddida hawshaasi ku xadfanayd oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed , ayaa ka mid ah xubno la sheegay in la doonayo in xabsiga loogu taxaabo,sababo la xidhiidha arinta ay faraha kula jiraan.




Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay dhinaca hay’adaha hawshan laga soo wariyay iyo xubnaha la sheegay in xadhig lala daydayo toona, hase ahaatee warku wuxuu intaasi ku darayaa in isku day la doonayay in lagu qabto maalin saddexaad uu guul-daraystay.




Inkasta aanay noo suurto gelin inaanu helno  Dhinacyadan oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno, hadan tan iyo markii Suldaanka la xidhay waxa soo baxayay tibaaxo muujinaya in Wasiirro ka tirsan xukuumaddu ka dambeeyaan xadhigiisa iyo ka hortag xukuumaddu ku waajahayso in Caleemo saarkasi dhaco, taasoo sababtay in sabab la’aan xabsiga loogu taxaabo Mukhtaar jibriil Muuse.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com