Wednesday, September 11, 2013

Wararkii Ugu Danbeeyay Dad Barakacayaal Dabada Laga Soo Riixaya Oo Qas Ka Bilaabay Magaalada Lughaya Dadna Loo Xidhxidhay


Lughaya-(GOBANIMO NEWS) Wararka ka imanaya Magaalada Lughaya ayaa sheegaya in halkaasi lagu xidhxidhay ilaa sedex qof, kadib markii ay sii hurtay ilaa saaka xiisad dhinaca dhulka ah oo u dhaxaysa Maamulka degmada Lughaya iyo dad barakacayaal ah oo ka soo hayamay degaano kale oo ku xeeran Lughaya kuwaas oo degaankaasi soo dagay, kuwaas oo halkaasi ku sugnaa ilaa dhawr bilood.




Wararku waxa ay intan ku darayaan in xiisadu cirka isku shareertay kadib markii uu maamulka degaanku ku war galiyay todobaadkan gudihiisa in loo rarayo meel kale oo ay si rasmi ah u dagaan isla markaana ay ka guuraan goobtan ay degenyihiin oo ah dhul laga iibiyay oo loo sharciyeeyay dad kale oo muwaadiin ah oo ganacsato iyo qurbojoog u badan.




Sidoo kale waxa ay wararku sheegayaan in xiisada ay sii huriyeen dad ka yimid dhinaca Djibouti kuwaas oo dadka barakacayaasha ah ee degay dhulkaasi ku dhiiri galiyay inaanay goobtaasi ka guurin mar hadii ay mudo bilo ah deganaayeen, sida uu sheegay xildhibaan ka mid ah golaha degaanka ee Lughaya.




Xil. Axmed Xuseen Badmaax oo ka mid ah xildhibaanada deg. Lughaya oo aan la xidhiidhanay ayaa waxa ay xaqiijiyeen in odayaasha dadkan barakacayaasha ah ay hore ula xidhiidheen isla markaana ay kala shireen arintan, wixii intaasi ka dambeeyayna ay isla qaateen in dhulkan ay degeen dadka barakacayaasha ah uu yahay dhul u sharciyaysan dad kale oo muwaadiniin ah isla markaana ay ku heshiiyeen in halkan ay si ku meel gaadh ah u daganaadaan, marka uu xagaaga iyo kulaylka lagu jiro dhamaadana ay meel kale oo rasmi ah u rari doonaan.




Xil. Badmaax waxa kale oo uu intan ku daray in dadkan barakacayaasha ah jiraan dad kale oo dabada ka riixaya oo uu xusay inay yihiin dad kale oo qas wadayaal ah oo dhinaca Djibouti ka yimid oo faragalinaya arinta dabadana ka soo riixaya dadka oo qaska abuuraya.




Xil. Badmaax waxa kale oo uu dhaliisha dusha uga tuuray qaybta fulinta ee degmada Lughaya oo uu xusay inay ka gaabisay fulintii heshiiskii la isku ogaa ee dhigayay in dadkan laga kiciyo dhulkan ay dageen ee ay dadka kale leeyihiin isla markaana ay taasi sababtay in labac-layn dhinaca fulinta ahi ay ku timaado go’aanadii la isla qaatay.




Sidoo Ibraahim Jaamac oo ka mid ah odayaasha qoysaykaasi barakacayaasha ah ee ay xiisadani taabatay oo aan khadka taleefanka kula xidhiidhnay ayaa waxa uu yidhi “Waxa meesha ka dhacayaa waa cadaalad daro, waxa jirta in dad degaanka Lughaya ah oo ka soo barakacay degaanada ku hareeraysan magaalada ay soo dageen magaalada isla markaana ay degeen dhul banaan oo aanay cidi lahayn isla markaana dadka maamulka ah ay qas ku kiciyeen oo ay u diideen inay suuliyo qotaan, isla markaana ay ku xidheen 3 qof oo ka mid ah odayaasha, kuwaas oo xidhan mudo 7aad ah iyaga oo aan xitaa maxkamad la soo taagin”




Oday Ibraahim oo hadalka sii wata waxa uu yidhi “Dhulku aan degnay waa dhul banaan mana jitro cid aan kala shirnay inaan ka guurno oo aan meel kale degno, hadii uu xaal saas yahay waxa aan leenahay cida kale ee la leeyahay dhulka ayay leedahay ha la siiyo dhul kale oo banaani waa jiraaye”




Oday Ibraahim waxa uu dhaliisha dusha ka saaray maamulka degaanka waxana uu yidhi “Ma aha maamul, waa xaafad kaliya oo aanay cidina tarixin, sidaasna dawlad kuma noqon karaan, waxa wixii sharciga ahaa sida ay doonaan u dhigayana waa maamul ku sheega oo xiisada sii hurinaya dadkana cadaalad daro kula dhaqmaya”




Oday Ibraahim waxa uu xusay in ay arinta gaarsiiyeen maamulka heer gobol isla markaana aanay waxba ka qaban, dadkan Lughaya degen ee xiisadani ku habsatayna ay yihiin dadkii degaanka oo xoolihii ka dhamaadeen oo Magaalada Lughaya soo dagay.




Dhinaca kale xarunta gobolka Awdal ayaa waxa ilaa saaka ka socday shir albaabadu u xidhan yihiin oo arintan lagaga hadlayo, waxana ilo wareedyo ay shabakadu la xidhiidhay ay sheegayaan in la go’aansaday in degmada Lughaya loo diro wafdi uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Awdal Cabdi Nuur Sugaal oo ay wehelin doonaan saraakiil sare oo dhinaca ciidanka Booliska iyo Militarigaba ah, kuwaas oo ujeedadoodu tahay inay xal u helaan xiisada halkaasi ka oogan




Wariye Mustafe caraale




Caraale_143@hotmail.com




borama-office