Wednesday, September 11, 2013

Xasan Sheikh: Mashaariic lagu dhisayo Waddooyinka iyo Xarumaha Bulshada ayaa dhawaan Bilaamaya“.


Muqdisho(GNA)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qudbad ka jeediyay munaasabada furitaanka kalafadhigii 3AAD ee Golaha Shacabka ee Federaalka Soomaaliya.




Xasan Sheikh Maxamuud oo fadhigan si rasmiya u furay ayaa amaan u soo jeediyay Golaha Baarlamanka Federaalka, waxaanu tilmaamay inay shaqo badan qabteen.




“Barlamaanka wuxuu qabtay howlo  farabadan oo ay ka mid yihiin ansixinta xukumadda, maaliyadda, iyo dib u eegista dastuurka. Shacabkuna wuu ku farax sanyahay shaqada aad heysaan.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.




Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi ku daray “ Hadafkeenu waa in aan dalka gaarsiino doorasho xor ah oo qof walba codkiisa dhiibto Insha Allah waan gaarsiin doonaa”




Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Barlamaanka iyo gudiyadiisu ay ka warhayaan xukumadda lana xisaabtamaan. Waxaa uu tusale u soo qaatay in ay horay Raisul Wasaaraha iyo Wasiiro ay Barlamaanka hortiisa ka war bixiyeen.




Madaxweyne Xassan ayaa waxaa kale uu sheegay in horumar farabadan la gaaray waqtigii yaraa oo ay ka mid yihiin maamulka maaliyadda iyo dib u habeynta ku socoto hey’adaha amniga oo hada ay masuuliyad iska saartay in ay dolwadda ku tababarto dalka gudahiisa islamaarkaasna ay siiso mushaar iyo qalab ay dowladda keentay.




 “Mashaariic lagu dhisayo wadooyinka dalka iyo xarumaha bulshada ayaa goor dhaw noo bilaaban doono.” Ayuu yidhi Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo ka waramay qorsheyaasha dawlada ee Mustaqbalka dhow.




 Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa wuxuu kula dar-daarmay Baralamaanka in ay ka shaqeeyaan wanaaga iyo horumarka dalka si loo gaadho yoolka iyo yihdi-diilada cusub ee bulshada somaliyeed higsanayso.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com