(GNA) Sharci yaqaan Tony Abbott ayaa loo dhaariyay xafiiska Raisul wasaraha dalka Australia isaga oo xilka sii hayn doona lixda sannadood ee soo socota.
Mr Abbott ayaa dowladda ka soo galay xisbiga shaqaalaha ee dalka Australia.
Mr Abbott oo isagu ku guulaystay doorashadii Raisulwasaare nimada dalkaasi 7 dii bishan ayaa xilkaasi kula tartamay Raisul wasaarihii hore ee dalkaasi Kevin Rudd.
Xaflada dhaarinta Mr Tony Abbott ayaa manta ka dhacday aqalka dowladda ee Deegaanka Canberra ee magaalada caasimada ah ee Sidney.
55 jirka maxa ka ahaa xisbiga isbahaysiga shaqaalaha dalka Australia ayaa ku sheegay bayaan uu soo saaray in maalinta xaafiiskiisa ugu horaysa aaney noqon doonin maalinta maalin munaasabad ee ay u bilaabanayso shaqadiisa isagoo sidoo kale balan qaaday inuu howsha loo dhiibay si toos ah u wadi doona isagoo diiradana saari doona arimaha ganacsiga wadankaasi.
Qaar kamid ah sharci yaqaanada dalkaasi ayaa sheegay in qorshaha Mr Abbott uu dhaawici doono xidhiidhka ay Australia la leedahay dalka Indonesia.
Diyaariye:C/qaadir Askar
askars4@hotmal.com
Gobanimonews.com