Thursday, September 19, 2013

Madaxwayne Ma Waxaad Hore u Bartay,Ayey kugu Bilaaben.!!!!


“Dib-ka-naaxa shaac baxay




Diga-rogashadeennii




Iyo dawladnimadii




Dib inay u celiyaan




Qorshahayga kuma darin




Nin kastaa ha duudsiyo Ama dala´si haw xado?.? Maxamed Ibraahim Warsame(Hadraawi) Daalacan




Wakhtiyo Adag waayo kala duwaan iyo Maalmo Qadhadh ayey soo martay Qarinamada Jamuriyadan Curdinka ah ee Somaliland, waxa ay  ku Guleysten Jabhadi SNM Inay Xooraynta somaliland ka midha dhaliyan runtina waxay ku guulaysten inay Madaxwaynihi ugu Horeyey Qaranku in u noqdo Mudane Cabdiraxman Axmed Cali (tuur) iyo Mudane Xasan Ciise Jaamac oo isna aha Madxwayne ku xigeenki ugu Horeyey Somaliland.




Waxa soo if baxaya Qorshihi Xiligaas ad ku soo maleegtay in La Qabto Shir qaran oo lagu soo dhisayo qaran dhamaystiran oo xiligaas sida u sheegay Gudomiyaha Madasha  Wadatshigu aad adigu ababulkeda lahayd oo aad niyada ku haysatay inad noqoto madaxwaynaha qaranka nasiib daro uMarxuum Madaxwayne Maxamed Xaaji Iibrahin Cigaal kaga gulaystay adiguna aad ka mid noqotay Aqalki Golaha Wakilada ee Xiligaas Madaxwayne Miyad u Duul Qadan laadahay Cabashada Saxiibadadi shaalay kula maleegay Qorshaha Dhicisobay.




Shacbigu May Iloobin inaad Halganka Qadhadh Qaranka u soo martay Xiligi Halganka SNM ,Sidoo Kale May Iloobin Wakhtiyadi Qadhadha ee Xisbiga KULMIYE ee laagu hiliyey laguna Cumamaday Mansabka Qarankan Ugu Sareya.




Meeday Dulqadkii Madaxwaynanimo, Balaanti Shacbiga ee Shirki Burco Iyo Borame ee Qaranimada Somaliland Lagu gostay in ayaaha Shacbigani ka Madax bananado Qadiyada Somaliwaynimo, Waxad Mooda in ay Duufan Ina Hayso Fadaraalnimo taas oo marwalba Sababaysa in Shacbiyadi aad haysatay sii liigayso Madaxwayne, Anigu Ma odhan Lakin Shacbigu Waxa ay ka aminen Qaraba Kiil Iyo Qaranko Sii Dacifaaya,Umaan Qorin Qoralkaygan Inaan Kugu Dhaliilo Ujeedadaydu waa inad Shacbiga u




Jaawabto,una sheegto Danahooda Guud iyo kuwa Garka ah ee  aad u Fuliso,  iyadoon Aan la Xaqiraayn in Xukumadadu Qolal Yar yar oo Wasarado ah aad ka Dhigtay Dabaqyo Indhaha Dadwaynuhu ku Qancayan.




Haddaba Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillanyo) Maye Hadaladi Dhiraana ee aad Shacbiga Ku Beerlaxawsan jirtay Maanta ma waaxay Maraysa ?Alla Ya Harageedi Igaga Ceeliya?




Lagamana   rajaynayn inaad Difaacdo Wasiiradada Dhaca iyo Musuqmasuqa Ku kaca  ee Maantaba Madarki Hargeysa Dadki ka Duuli laha loo Dad guraynayo Dowlada Jarkeena ah ee ETHOPIA Miyanay Nasiib Daro Qaranku Galay ahayn Bal Madaxwayne Shacbigu waxa u indhaha ku haya Sidad uga




Go?aanka Qadato Musuq masuqa Dhacay Inad Hursato iyo inaad Talaabo Sharci ah ka Qado waa mid ila Hada Shacbiga Rer Somaliland Aay ka Sugayan.




Gunti iyo Gabagabadi Waaxan Qoraalkaygan ku soo koobaya ?Qaranimadi Lidatoo Qabyaldi Soo Rogal Celisay,ee hadaba Cidi Caqliga Mudan lehayd Meeday?.




“ Indhaweyto daaf iyo




Cudur daansha socodoo




Duulduulay baa jirey




Daacuunse maahee




Asal-tira-ma doorshuhu




Duraygay abuureen




Ma og tahay nin doorkiyo




Inta neceb dir soocee




Derejeysa qarankiyo




Durdurrada aqoontiyo




Qalinkiyo Dawaadiyo




Deelleyda curatiyo




Innagaa ka daba tegi




Durbaankay tuntumayaan




Dawankaynu sidannaa




sida danaba u baab´in




Dugsadaha qabiilkiyo




Dib-ka-naaxa shaac baxay




Diga-rogashadeennii




Iyo dawladnimadii




Dib inay u celiyaan




Qorshahayga kuma darin




Nin kastaa ha duudsiyo




Ama dala´si haw xado




Ama duurka haw xulo




Ama dabinno haw dhigo




ama duhur ha weeraro




Ama damac ha dhaafsado




Gobannimadu waa degel




Dayax iyo iftiin nool




Dumimeyso weligeed




Anigaa dabka u sida?.?.? Maxamed Ibraahim Warsame(Hadraawi) Daalacan




 




Cabdiraxiim Ismaaciil Cabdilaahi (Bidaar)




Cabdiraxiim9909@gmail.com




Hargeysa Somaliland




Saxafi Madax banana