Thursday, September 19, 2013

16-Maxbuus Oo ku Dhintay xabsi ku yaal Dalka Venezuela


  (GNA) Ugu yaraan 16 ruux ayaa ku geeriyootay rabshado ka dhacay gudaha xabsi ku yaal magaalada Maracaibo ee galbeedka dalka Venezuela.




Madaxa xabsiyada dalka Venezuela Iris Varela ayaa sheegtay in 15 kamid ah kooxahii gangas ka ee ku jiray xabsiga ay kamid yihiin dadka dhintay kadib markii ay iyagu ku dagaalameen gudaha xabsiga halka ruuxa 16 aadna uu ku dhintay dhacdo kale oo isla xabsiga gudihiisa ah.




Xabsiyada wadanka Venezuela ayaa la sheegayaa in ay si wayn u buux dhaafiyeen kooxaha gaysta danbiyada kala duwan sida gangas ka dalkaasi sida ay Ms Varela u sheegtay wakaalada wararka ee AFP.




Haweenaydani madaxda ka ah xabsiyada dalka Venezuela ayaa sheegtay in dhamaan maxaabiista ku jirtay xabsiga ay dhibaatadu ka dhacday ay ku kala xidhnaayeen kiisas kala duwan oo ay u badnaayeen gangaska danbiyo kala duwan ka gaystay dalkaasi.




Xabsiga ay mashaqadu ka dhacday oo lagu magacaabo Sabaneta ayaa waxaa ku jira ku dhawaad 4,000 oo maxbuus kaasi oo ay haatan ku jiraan in ka badan laba jibaar maxaabiistii loogu talo galay .




 




 








 




 




 




 




 




 




 




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmal.com
 




Gobanimonews.com