Stephan Lichtsteiner ayaa dareensan in Inter ay ku jirto xaalad la mid ah sida ay aheyd Juventus labo sanno ka hor, isagoo aaminsan in Nerazzurri ay u tartami karto Scudetto ka hor kulanka habeen danbe ee Derbu d’Italia.
Lichtsteiner ayaa sheegay in Inter ay ka faa’ideysan karto inaysan xilli ciyaareedkan ku jirin tartamada Yurub ee Champions League iyo Europa League.
“Waxaa inaga horimaaneysa koox u dagaalameysa hamigeeda ugu weyn ee ah inay hanato Scudetto, sida aan anaga aheyn labo sanno ka hor.
“Waan ka warqabnaa in kooxda Inter ee ay wajaheyno inay dhiirogashan yihiin, laakiin anagaba waan nahay sidaas.
“Waxba ma bedeleyso in Derby d’Italia la ciyaaro bilowga xilli ciyaareedka. Waxa inaga inoo daran ayaa ah tayada qaab ciyaareedkeena, waxba ma ahan kooxda naga soo horjeeda waxa ay tahay.
“Waxaan u baahnaan doonaa inaan qaab ciyaareed xoogan soo bandhigno”
Kulanka Inter iyo Juventus waxa uu ka dhacayaa Giuseppe Meazza habeen danbe.