Friday, September 13, 2013

“Kabtanka Waa Soo Laabtay.” – Martino Oo Ku Faraxsan Soo Laabashada Puyol.


Tababaraha kooxda Barcelona Gerardo Martino ayaa ku farxsan soo laabashada kabtan Carles Puyol ka dib dhaawac uu muddo dheer ku maqnaa.




Ka dib ciyaaro heer caalami oo lagu maqnaa, Barca ayaa isku diyaarineysa kulanka ay berri soo dhaweynayaan Sevilla, inkastoo aan daafaca 35 jirka ah la fileynin inuu ciyaaro hadana Tata Martino ayaa sheegay inuu isbuuc gudihiis ku soo laaban doono.




“Soo laabashada Puyol waxa ay la micno tahay inaan heysano daafaca dhexe aan dhamaanteen rabnay, aad ayaan ugu faraxsanahay arintaan. Kabtanka waa soo laabtay” ayuu Martino ku sheegay shirkiisii jaraa’id ee maanta.




“Waxa gabagabo u maraya soo kabsashadiisa, waxa uu tababarka buuxa ku soo laaban karaa ka hor kulanka isbuuca soo socda aan la leenahay Real Sociedad.”




Martino ayaa sidoo kale sharaxay go’aankii uu kooxda uga saaray Pedro oo taam ahaanshihiisa uu walwal qabo, waxaana uu sidoo kale sheegay in Lionel Messi iyo Neymar ay u badan tahay inay ka horyimaadaan Sevilla, inkastoo safar dheer ay kaga soo laabteen Latin America.




 




 




“Pedro labo kulan ayuu la ciyaaray Spain, waana sababta aan u nasasiiyay waqtigaan” ayuu hadalkiisa raaciyay. “Waa uu fiican yahay haatan, laakiin waxaan u baahanahay inuu noo ciyaaro sagaalka bilood ama 10ka bilood ee soo socda.




“Messi iyo Neymar safaro dhaadheer ayay galeen, laakiin si wacan ayay tababar u qaateen, waan arkin doonaa sida xaalkooda yahay berrito, iyo hadii ay ciyaarta wada dhameysan karaan.




“Ma aanan weydiisanin xiriirka kubada cagta Argentina inaan loo soo yeerin Messi waqtiga soo socda. Wax sidaas oo kale ah ma sameeyo, anigaba tababare xul qaran ayaan soo ahaa. In muddo ah ayuuna Messi si fiican ugu ciyaarayaanArgentina si la mid ah sida uu Barca ugu ciyaaro. Halkaan iyo xagaasba muhim ayuu ka yahay.




“Qaab ciyaareedka Neymar waxa uu keenaa in kooxaha naga soo horjeedo ay dagaal ciyaaraan. Waan u sheegay inay tahay inuu sidaas u sii ciyaaro, madaama ay ixtiraami doonaan ugu danbeyn. Ma doonayo in Neymar uu ciyaaro kaliya hal kulan oo fiican, hal xilli ciyaareed oo fiican ama hal Koob Adduun oo fiican waxaan doonayaa inuu mustaqbal dheer yeesho.”