Friday, September 13, 2013

Sl: Xukuumadda oo Sheegtay in GENEL ENERY dib u bilaabayso Sahamintii Shidaalka , ka dib kulan saacado socday oo London ku dhex-maray


London(GNA)-Wasiirrada Arrimaha Dibada iyo Macdanta iyo Tamarta Somaliland ayaa sheegay inay  isfaham la gaadheen shirkadda Sahaminta Shidaalka  GENEL ENERGY oo todobaadkii hore si lama filaan ah u hakisay hawlshii ay waday, isla markaana Shaqaalaheedii Ajaanibka ah la baxday.




Maxamed Biixi Yoonis iyo Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa sidan sheegay ka dib kulan saacado qaatay oo ay Magaalada London ee cariga Ingiriiska kula yeesheen Masuuliyiinta Shirkadda Genel Energy , kaasoo sida ay wasiirradu sheegeen lagaga dooday sababaha keenay talaabada shirkaddu qaaday iyo sida loo xalin karo.




Wasiirka arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis oo hadlay, ayaa sheegay in xal laga gaadhay cudur-daar kasta oo shirkaddu sheegatay, si dhakhso dib loogu bilaabayo hawshii sahaminta Shidaalka “Hawshaa markii aanu wax isla eegnay ee aanu ka doodnay wixii jiray in la dhameeyo, hawshiina si dhakhso dib loogu bilaabo ayaanu isla gaadhnay”ayuu yidhi.




Dhinaca Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa sheegay inay dawlad ahaan si fiican ula shaqaynayaa shirkaddan, si buuxdana u damaanad qaadayaan amaankeeda, isagoo dhanka  kaleba Bulshada Somaliland ugu baaqay inay soo dhaweeyaan Mashaariicda horumarka waddanka qaybta ah ee noocan oo kale.




Shirkadda Genel Energy oo Heshiis Sahamin Shidaal ah Somaliland la gashay sanadkii  hore ayaa todobaadkii  la soo dhaafay shaqaalihii Ajaanibka ahaa ee waddanka ka joogay dibada u qaaday, waxaanay sheegtay inay si ku-meel gaadh ah u hakisay hawshii ay waday, ka dib khatar dhanka amaanka oo soo waajahday.




Arintan ayaa Jahawareer ilaa hada taagan ka abuurtay gudaha dalka, waxaanay sababtay inay Xukuumadda Somaliland si deg deg ah weft ugu dirto xarunta Shirkadda ee Ingiriiska.




Inkasta oo aanu wax war ahi ka soo bixin Shirkadda Genel aan ka ahayn hakintii ay sameysay todobaad ka hor, hadana waxa soo baxaya tibaaxo sheegaya inay Wasiiradda kala hadleen arimo badan oo ay shuruud kaga dhigeen si wadida hawshaasi.




Bulshada Somaliland ayaa si weyn ugu dheg-taagaysa wararka la xidhiidha arintan oo dadka dareenkooda wada taabatay, isla markaana ilaa hada dawladu qiil cad oo lagu qanco u la’dahay sababta dhalisay.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com