Muqdisho(GNA)-Dibad bax ballaadhan oo lagu soo dhaweynayo heshiiska dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubooyinka dhawaan lagu kala saxeexday Magaalada Addis-ababa ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana ka qayb galay boqolaal ruux ka kala socday degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Mas'uuliyiin dawlada ka tirsan.
Banaan baxan oo uu soo qaan qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka dhacay Taalada Daljirka Dahsoon, halkaasoo ay isugu soo uruureen dadweyne watay calanka Soomaaliya, boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo iyo dharka hidaha iyo dhaqanka.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo la hadlay Dadka dibad baxa dhigay ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan heshiiska, isla markaana ay tahay guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.
"Waa Guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyed, Muqdisho waa maskaxdii umada, waa soo dhoweynaynaa, in heshiis lagu gaaro Addis Ababa oo umada Soomaaliyed ay heshiiso"ayuu yidhi Gudoomiye Tarsan.
Mr Tarsan ayaa sheegay in isu soo baxan uu muhiimad weyn ugu fadhido shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir, isla markaana ay muujinayaan in reer Muqdisho ay taageersan yihiin.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed oo dibad baxa ka hadlay ayaa sheegay in Xukuumada Soomaaliya ay dadaal u gashay sidii shacabka isu keeni lahaa, isla markaana dib u heshiisiin dhab ah la gaaro.
“Heshiiska Addis Ababa ka dhacay waxa uu qayb ka yahay dadaalka ay waddo Xukuumadda Soomaaliya oo ah in guud ahaan la isu keeno shacabka Soomaaliyeed, anaguna waan soo dhaweyneynaa, waana taageersanahay dadaallada lagu xalinayo arrimaha noocaasi oo kale” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka arrimaha gudaha
Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa sheegay in dhowaan magaalada Muqdisho lagu qaban doono shirar looga hadlayo masiirka iyo jiritaanka ubada lagu bad baadinayo.
“Anagu waxaan nahay umad isku af ah waxaan aaminsanay in aan is xalin karno, Shirka lagu wado in uu ka furmo Muqdisho waa mid looga hadlayo aayaha Soomaaliya, Shacabka ku dhaqan gobolka banaadir waxaa laga doonayaa inay soo dhaweeyaan shirkaasi, maadaama uu yahay mid sidoo kale la doonayo in lagu dhameystiro heshiiskii Addis Ababa, Xukuumaddana waxaa ka go’an inay soo dhaweyso fikradaha wax dhisaya” ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Banaan baxan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee lagu taageerayay heshiiskii Addis Ababa ayaa jawaab u ah banaan bax shalay ka dhacay magaalada Baydhabo, kaasoo looga soo horjeeday dowladda Soomaaliya iyo Heshiiska Addis Ababa.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com