Burco(GNA)-Suldaan Mukhtaar Jibriil Muuse oo dhawaan loo Caleemo saarayo Suldaanka Guud ee Beelaha Bah-habar-magaadle, ayaa ku sugan Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo maanta lagu soo dhaweeyay.
Suldaan oo sida la sheegay dhawaan lagu caleemo saari doono Magaalada kala-baydh ee Gobolka Gabiley, ayaan rasmi loo ogayn ujeedada booqashadiisa Burco, hase ahaatee sida ay Gobanimonews u sheegeen xubno ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Burco, waxa uu maanta Magaaladaasi kulamo kula qaatay xubno ka mid ah Madaxda dHaqanka ee Gobolka Togdheer.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Suldaanku dhinacyada uu la kulmay kala hadlay sidii looga wada shaqayn lahaa horumarinta iyo nabad-gelyada Bulshada Gobolka, waxaana dhinacyada ay is arkeen ka mid ahaa xubno ka tirsan Guddida Beelaha uu suldaanka u yahay ee Gobolka Togdheer.
Suldaan Mukhtaar, ayaa Dhawaan la sheegay in loo caleemo saarayo Suldaanka Guud ee afarta Beelood ee Bah-habar Magaadle (Isaaq), waxaana la filayaa inuu deegaamo kale oo dalk ah booqdo intaan la caleemo saarin.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com