Tuesday, September 10, 2013

Somalia: Sanad ayaa ka soo wareegay markii la doortay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud (Warbixin+Sawirro)


Mudo Sanad ayaa ka soo wareegatay curashadii dowladii ugu horeysay ee rasmi ah isla markaana lagu caleemo saaro gudaha dalka waxaase dad badan ay is weydiinayaan sanad kadib maxaa dowlada u qabsoomay iyo halka uu xaalkeeda joogo.

Madaxweyne Xassan Sheik Maxamuud oo aan wax badan laga aqoon shaqsiyadiisa ayaa ahaa musharixii ku soo baxay xilka Madaxweyne sanad ka hor maanta oo kale dad badan oo xiligaas goob joog u ahaa isla markaan wax badan kala socday siyaasada dalka ayaa qabay in dalka uu u baahnaa madax cusub oo firfircsoon Xasana waxaa loo arkaayey mid samata bixin kara maadaama uu u soo joogay marxaladihi uu dalka soo maray.

Doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho 10-kii September ee sanadkii 2012 ayaa aheyd markii u horeysay oo muddo sodon sano ay doorasho ka dhacdo dalka gudihiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynihii hore dowladii KMG aheyd Sheekh Shariif ayaa isugu soo hadhay wareegii ugu dambeysay ee doorashada, iyadoo cododkii la tiriyay uu Madaxweyne Xasan Sheekh 190-cod kaga guuleystay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo helay 79-cod.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si geesinimo leh ugu dhawaaqay inuu aqbalay natiijada doorashada, isla markaana uu si dimoqraadiyad leh ugu wareejinayo xilka, taasoo madashii doorashada ka dhacday uu sacba fara badan uu ku muteystay, waxaana uu ku wareejiyay Xarunta Madaxtooyada.

Labo maalmood kadib markii Xasan Sheekh loo doortay xilka Madaxweynaha ayaa weerar is qarxin ah lagu qaaday Hotelka Jazeera oo uu degenaa markii loo doortay, iyadoo xilliga weerarkaas dhacayay uu la kulansanaa Wasiirkii hore Arrimaha dibada Kenya Sam Ongeri.

Madaxweyne Xassan Sheik ayaa durbadiiba markii uu xafiiska qabtay la kulmay caqabado waa weyn isaga oo ay wajaheen xaalada xalintooda aad u adkaa sida fatahaadii ka dhacday Magaalada Beledweyn ee gobolka Hiiraan kaas oo aheyd mid cajiib ah dowladiisa ay ku adkeyd in ay gargaar la gaarto dadkii ay ka masuulka ka aheyd maadaama awooda dowlada ay ka baxsaneyd dhulka dhibaatada haleeshay sidoo kale ay dhaqaalo ahaan ay u saamixi kari weydo in gaargaarkii beesha caalamka ay soo gaarsiisay magaalada Muqdisho loo daabulo magaalad Beledweyn tani ayaa aheyd dhaleeceyntii ugu horeysay ee ay dowlada la kulanto lana dhihi karay waxa ay noqotay turaanturadii ugu horeysay ee uu la kulmo Madaxweyne Xasan Sheekh Mohamoud

Sidoo kale qiimo dhacii ku yimid shilling ayaa ahaa xaalad kale oo culeys aan caadi aheyn ku reebtay Dowladii Xassan Sheik oo xilligaa kufaa kac badan ku jirtay iyadoo Bankigii dalka uu arrintaa wax ka qaban kari waayey taasna ayaan ugu dambeyn ka yeelay in dad badan oo ka tirsan ganacsatada yar yar ka ay suuqa kaga baxaan oo uu meeshaas ku burburay xoogaagii yaraa ee ay ugu xamaali jireen reerahooda

Dhibaatooyinkaas dhaqaale ayaana ahaa kuwii ragaadiyay qoysaska dan yarta ee nolol maalmeedkooda ahaa wax ka yar hal doolar ay heli jiraan, waxaase aad looga dharagsanaa khudbadii Madaxweynaha markii loo doortay xilka inuu ku dhawaaqay in qoys walba ay dowladdiisa ka war qabi doonto wixii ay habeen ku soo gurya noqdaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lixda tiir ee siyaasadeed dowladiisa salka uga dhigay saddex ka mid ah ay ahaayeen ammaanka oo uu ku cel celiyay, hase ahaatee ilaa iyo hada dowladdiisa ayaa ammaanka gudaha wax ka qaban la', waxaana habeen walba Caasimada Muqdisho ka dhaca weeraro u badan qaraxyo.

Dadka siyaasiyiinta ee dhaleeceeya dowladdiisa ayaa soo qaata arrimaha gudaha oo aanay dowladda wax muuqda ka qaban, gaar ahaan amni darada sii baaheysa, waxaana dhowr cisho ka hor ay aheyd markii magaalada Muqdisho ay harqiyeen qaraxyo waa weyn oo min koofur ilaa waqooyi ay xiriir ahaayeen.
Weeraradii ka dhacay magaalada Muqdisho bilihii u dambeeyay sida Maxkamada Gobolka Banaadir, Xarunta UNDP iyo Xarun Shaqaalaha Safaarada Turkiga ee Muqdisho degenaayeen ayaa ahaa calaamado muujinayay habacsanaanta xaga ammaanka, kadib is bedeladii lagu sameeyay Taliyeyaasha ciidamada.

Mudadii sanadka aheyd dowladda Soomaaliya jirtay ayay ku guuleysatay inay wax badan ka qabato siyaasidii arrimaha dibada, isla markaana ay gaarto heer aanay soo marin dowladihii ka horeeyay ee KMG ah, sida aqoonsigii ay ka heshay Mareykanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ahaa Madaxweynihii u horeeyay ee Soomaaliyed oo la kulma Madaxweyne Mareykan ah muddo sodon sano ah, iyadoo markaa loo arkayay dowladiisa mid rajadii dad badan ka qabeen ay cagaha saartay.

Arrimaha kale ee caqadaba ku aheyd dowladda Xasan Sheekha ayaa aheyd arrinta Kismaayo oo ka mid aheyd turaan turadii Xukuumada la kulantay, kadib markii Maamulo is khilaafsan oo dhowr Madaxweyne ay iskood uga dhawaaqeen Jubaland, waxaana taas ay dhalisay dagaalo dhiig badan ku daatay oo aad looga digayay tan iyo markii Kismaayo laga saaray Shabaab bishii October ee sanadkii hore.

Wada hadaladii ka dhacay Addis Ababa ee lagu gaaray heshiiska Maamulka Jubooyinka ayaa noqday mid dowladdu ay guul xaga dib u heshiisiinta kaga gaartay arrimihii Jubooyinka ee jahwareerka siyaasadeed keenay, waxaana dad badan u arkayay heshiiskaas mid dowladda ay macno badan u sameyneyso ka hor shirka Brussels ee 16-ka bishan dhici doona.

Sidoo kale arrimaha dib u heshiisiinta ayay bilow fiican ka sameysay, gaar ahaan wada hadalada dowladda Soomaaliya iyo Somaliland oo haatan meel fiican maraya, iyadoo labo jeer oo hore wada hadalo ka dhaceen dalka dalka Turkiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safaro badan ku tagay dalalka deriska iyo kuwa kale oo caalamka, safaradaasoo ahaayeen kuwii ugu badnaa mudadii sanad ah oo uu Madaxweyne soo mara dalka, hase ahaatee faa'idada laga dhaxlay ayaa ahaa wanaajinta xiriirka arrimaha dibada ee dowladiisa.

Muddo saddex sano ayaa iminka u harsan dowladiisa, waxaana sugaya shaqo ka badan mudadii sanadka aheyd ee ay ku muteysatay dowladiisa dhaliilo iyo amaan, iyadoo la dhowrayo in is bedel lagu sameeyo hey'adaha dowladda oo xilligan habacsanaan badan uu ka jiro.












Gobanimo News Agency




Muqdisho office