Hargeysa(GNA)-Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday Natijadii Imtixaanka Shahaadiga ah.
Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daa'uud Axmed Faarax ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay Imtixaanka, waxaanu ka shaaciyay Shir-jaraa'id oo uu ku qabtay Xarunta Imtixaanaadka Qaranka ee magaalada Hargeysa.
Ardayda Imtixaanka u fadhiisatay Dugsiyada Sare ayaa tiradoodu dhamayd 7310 arday, waxaana Gudbay oo imtixaanka ku guulaystay 7017, halka laba boqol iyo halka inta soo hadhay aanay imtixaanka gelin, isla ma jirto cid dhacday.
Natiijada Ardaydu keentay ayaa u badan B,C,D iyo -D, waxaan grade-ka A keenay tiro aad u yar oo arday ah.
in ku dhaw labaatan kun oo Arday ayaa u fadhiistay Imtixaanka, kuwaasoo isugu jiray Dugsiyada sare Fasalka 4aad iyo Dugsiga Hoose dhexe Fasalkiisa 8-aad.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com
Halkan Riix hadaad tahay Arday oo ka akhri Liiska Imtixaanka: