Muqdisho (GNA)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo beryahan waday booqashooyin uu booqanayey gobollada dalka ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar oo si diiran loogu soo dhaweeyey.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ku sii hakaday degmada Balcad oo uu halkaas kula hadlay shacabka degmada Balcad oo waddooyinka la taagnaa caleen qoyan.
Madaxweynaha ayaa magaalada Jowhar si heer sare ah loogu soo dhoweeyey, ka dibna waxa uu kulammo gaar gaar ah la qaatay Maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe iyo degmooyinkiisa, madax dhaqameedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha ayaa ujeedada safarkiisa uu ahaa inuu u kuur-galo xaaladda shacabka deegaanada uu booqday, isla markaana uu warbixin ka siiyo xaaladda dalka iyo aragtida fog ee dowladda iyo inuu la tashiyo kala sameeyo aragtida dadka deegaanka ee ku wajahda ka qeyb-qaadashada arrimaha dowladdu ay waddo.
Dowladda Soomaaliya ayaa qorshaha ka qeybgalinta shacabka inay tallooyin ka dhiibtaan qorshaha dowladda u aragta habka ugu habboon ee shacabka looga qeybgalin karo go'aanada dowladda. “Shirkii Siyaasadda, kan Xagjirka iyo kuwii ka horreeyey waxey ahaayeen fursad ay dowladdu siineysey qeybaha kala duwan ee bulshada inay tallooyinkooda ka dhiibtaan masiirka dalka” sidaasi waxa lagu yidhi qoraal afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Eng. Cabdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), ka soo saaray safarka Madaxweynaha.
Xasan sheikh Maxamuud ayaa hore u booqday Magaalada Marka ee Gobolka Sh. Hoose, halkaasoo uu mudo maalin ah socdaal ku joogay, kulamona kula yeeshay qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Sidoo kale waxa la filayaa inuu todobaadyada soo socda Booqdo Deegaamo ka mid ah Goboladda Jubbooyinka somaliya, gaar ahaan Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubaland, halkaasoo ujooyinka uu u tegayo ay ugu weyntahay dhamaystirka maamulka ku-meel gaadhka ah ee jubaland.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com