Hargeysa(GNA)-Xukuumadda Somaliland ayaa Xabsiga dhigtay Suldaan Mukhtaar Jibriil Muuse oo dhawaan loo caleemo saari lahaa Suldaanka Guud ee Beelaha Baha-habar Magaadle (Isaaq), ka dib markii Ciidamo Bilays ahi galabta Gurigiisa oo ku yaala Magaalada Hargeysa ay ka soo qabteen.
Suldaanka ayaa lagu xidhay Saldhiga Ibraahim Kood-buur ee Xaafadda Xero-awr, halkaasoo la sheegay in Wasiirka Wershadaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur (Abiib timo-cad) ka soo dacweeyay, waxaana markii dambe loo wareejiyay Saldhiga dhexe ee Caasimada hargeysa oo loo dhaadhiciyay. sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Bilayska ee saldhigaasi.
Madaxdhaqameedkan la xidhay, ayaa qabanqaabada Munaasibada Caleemo saarkiisu ka socotay Gobolka Gabiley, waxaana la doonayay in lagu caleemo saaro Magaalada Kala-baydh.
Ma cadda ilaa hada sababta loo Xidhay, balse waxa la sheegay inuu ka dhego adaygay dalab uga yimi Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan oo u soo jeediyay inuu ka laabto Musharaxnimada Mansabka dhaqan ee la doonayay in loo caleemo saaro, taasoo uu ku gacan saydhay.
Mukhtaar Jibriil Muuse ayaa bishii hore badhtamaheedii ku dhawaaqay in loo caleemo saarayo Suldaanka Guud ee Beelaha Baha-habar Magaadle, oo aan hore u lahayn Madaxdhaqameed guud oo kulmiya.