Hargeysa (GNA) Duulimaadyadii Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airline ayaa markii labaad baaqday oo aanay soo cago dhigan Garoomadda Diyaaradaha ee Somaliland, gaar ahaan Caasimada Hargeysa.
Ma cadda sababta rasmiga ah ee ay Itoobiyaan Air-line u joojisay Duulimaadyadeeda, hase ahaatee warar laysla dhexmarayo, ayaa sheegaya inay la xidhiidha sababo dhanka amaanka Madaaradda ah, taasoo shirkaddu ku dooday inaan Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa lahayn Xayndaab ku xireen oo amaanka loogu talo galay.
Dad ka badan boqol qof oo ku qornaa Duulimaadkan diyaarada Axadii la soo dhaafay, ayaa maalintii saddexaad hor tuban Xafiiska Wakiilka Shirkadaasi ee Somaliland oo ah xarun socdaal oo la yidhaahdo SAFE WAY DRAVEL AGENCY.
Rakaabkan ayaa u badan Arday waxbarasho Jaamacadeed ugu baxaya waddanka Suudaan oo maalintii saddexaad hor taagan Xafiiska SAFE WAY, halkaasoo tigidhada looga jaray todobaadkii hore, waxaanay tirada ardaydaasi gaadhaysaa 54 Arday, sida uu sheegay mid ka mid ah Ardaydaasi Gobanimonews u sheegay.
“Saddex Cisho ayaanu halkan taagnayn, waxaanu ku soconay Dalka Sudan oo Waxbarasho Jaamacadeed aanu u tegayno, wakhtigii wuu naga dhacay, 15 Bisha ayaa la gelayaa Jaamacadii, annaguna waxaanu doonaynay inaanu maantaba isdiwaan gelino, markaa walaahi dhibaa meesha nagu haysa”ayuu yidhi.
Sidoo kale Gabadh ka mid ah Ardaydaasi, ayaa sheegtay in maalin hore laga shubay lacagtii Tigidhka, isla markaana ilaa hada aan wax xal ah loo haynin, waxaanay dawlada iyo shirkada ka wakiilka ah Itoobiyaan Airline ka codsatay inaan laga lumin Mustaqbalkooda.
Dhinaca kale Ardaydan ayaa qaarkood ay waalidiintooda oo cadhaysani la socdeen, waxaana hadalo taagtaagani dhex maray xubno ka mid ah Shaqaalaha Xafiiska Shirkadda ka wakiilka ah.
Rakaabka ayaa ahaa kuwo saaka u soo diyaar garoobay socdaal, iyagoo sitay Shandadahoodii iyo agabkii kale ee ay ku safrayeen , hase ahaatee xaalada ayaa murugtay markii Madaxda Safe away ku war geliyeen inaanay wali wax xal ah u haynin, isla markaana dawladu diiday qorshe ay doonayeen in Magaalada Jig-jiga lagaga dhoofiyo dadkaasi, inta Basas lagaga qaado Hargeysa.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland oo la xidhiidha arintan iyo halka ay ka joogto toona, hase ahaatee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada Axmed Faarax Dalal oo Gobanimonews khadka Telefoonka kula xidhiidhay si aanu dhibaatada dadka haysata wax uga waydiino, ayaa ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah arintaasi ka bixiyo, balse waxa uu sheegay inay xalkeeda ku gudo jiraan, isla markaana dhamaystirkeeda wax uga dhimanyihiin.
Wasaaradda Duulista Hawadda iyo gaadiidka Cirka ayaa hore u shaacisay inay Itoobiyaan Airline dib u bilowday Duulimaadyadeedii Hargeysa iyo dunida kale, ka dib Dayactir lagu sameeyay garoonka diyaaradaha .
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com