Sunday, September 15, 2013

SOM: Dawladda oo Xabsiga dhigtay Afhayeenka Ahlu-suna Wal-jameeca iyo Saraakiisha C.I.D-da oo Madaxweynaha ku xidhiidhiyay xadhigiisa


Muqdisho(GNA)-Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga u taxaabtay Afhayeenkii Urur Diimeedka Ahlusuna Wal-jameeca Sheekh C/qaadir Soomow, kaasoo maanta loo dhaadhiciyay Xarunta Dambi baarista ee CID ee Magaalada Muqdisho.





sida laga soo xigtay Saraakiisha Dambi-baadhista Sheikhan ayaa saaka looga yeedhay Xarunta CID,waxaana markii uu yimi la amray in la xidho.
Wareysi uu siiyay qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayuu Sheekh Soomow ku xaqiijiyay in lagu xidhay Amar Madaxweyne, isla markaana aanu garaneyn sababaha ka dambeysa.




"Amar Madaxweyne ayaa laygu xiray, saakay ayaa leyga wacay Hogaanka dambi baarista ee CID, Taliye kuxigeenka G/sare Maxamed Cabdi ayaa igu yiri Amar Madaxweyne ayaa lagu xiray, Taliyaasha Nabadsugida iyo Booliska waa lagu wargeliyay inaad xiran tahay"ayuu yidhi Sheekh Soomow oo xilliga uu wareysiga bixinayay ku sugnaa Xarunta CID.




Soomow ayaa sheegay in aan loo sheegin sababaha loo xiray, balse lagu wargeliyay in Amarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud lagu soo xiray, iyadoo markii dambe taleefanka laga damiyay intii uu ku sugnaa CID.




Sheekh Soomow ayaa ka mid ahaa Culimadii dhowaan ku shirtay magaalada Muqdisho ee soo saartay fatwada ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn xarigiisa.




Waa markii ugu horaysay ee dawlada Xasan Sheikh Maxamuud xidho saraakiil ka tirsan Ururka Ahlu-suna wal-jameeca oo ka mid ah Kooxaha ugu awooda badan koonfurta iyo badhtamaha somaliya.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com