Wax qabadkii dowlada madaxweyne ahmed siilaanyo seddexdii sano ee xilka ay haysay oo noqday record jabis, amaan iyo shukri badana ku muteysatey waxaana looga fadhiyaa dowlada in ay sii labanlaabto si ay ugu guuleysato marlabaad doorashooyinka madaxwenenimo ee dalka ka qabsoomi doona ,, waxqabadkan oo ka mid ahaa ballan qaadkii qoraalka ahaa ee xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE uu ku galay olalihii doorashadii wadanka ka qabsoontey 26 kii june 2010 oo uu kaga guuleystay labada xisbi qaran ee udub iyo ucid!!!
1:- Waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe oo dowladu bilaash ka dhigtey, taas oo sahashay in caruur badani dugsiyada galaan oo markii hore awood aan u lahayn in ay bixiyaan lacagtii dugsiyada hoose/dhexe lagu qaadi jiray iyo hirgalinta dugsiyo heer tuulo,heer degmo iyo heer gobolba, islamarkaan dowladu ay tayaysay waxbarashii dhamaan min dugsi hoose ilaa jaamacadaha oo aad ugu soo badanaya dalka taas oo sii dhiiri galineysa muwaadiniinta ku dhaqan dalka oo dhan!!!
2:-Dowlada uu hogaaminayo madaxweyne ahmed siilaanyo waxay markii u horeysay taariikhda Somaliland ay hirgelisay oo mushaharkii u kordhisay 100% ciidamada qalabka sida,macalimiinta iyo shaqaalaha dowlada taas oo aad uga farxisay qoysas badan oo ku tiirsanaa mushaharkaas dowlada iyo dhamaan shacab weynaha reer Somaliland dhamaan!!!
3:- Dhaqaalaha dalka oo dawladan imika xilka haysaa ay kor aad ugu qaaday illaa 125 milion oo dollar halka dowladii ka horeysay ee dahir riyale kahin uu hogaaminayay heerka dhaqaaluhu marayay 40 million dollars!!!
4:-Waxaan marnaba aan la hilmaami Karin baahidii ay qurbo joogtu u qabtay warbaahin tafatiran oo daafaha caalamka meel kasta gaadha o qaranku leeyay dowlada madaxweyne siilaanyo hogaaminayo iyadoo baahidaas jirta ka duulaysa waxay hir galisay oo ku guuleysatay balaadhinta TVgii qaranka oo maanta meel kasta laga daawado daafaha dunida!!!
5:- Waxay xukuumada imika talada dalka haysa kor u qaaday xodhiidhkii iyo iskaashigii ay la laheyd wadamada dariska ah sida ETHOIPIA, KENYA IYO DJIBOUTI iyadoo ay iska kashanayaan dhinacyada nabadgelyada, ladagaalanka argagaxisada iyo budhcad badeedka!!!
6:- Sida aynu wada ognahay dowladan imika xilka haysaa waxay dhisme iyo dayac tir ku sameysay wadooyinkii dalka oo dhan iyadoo wadooyin cusub oo casri ahna kusoo kordhisay dalka kuwii horena dib u dhistay badankooda kana qayb qaadatay dhiiri gelinta muwaadiniintu in ay iskaa wax u qabso ay ku dhistaan wadooyin badan oo halbowle ah sida wadada oodweyne, ta salaxley iyo tan wajaale iyo qaar kaloo badan!!!
7:-Arrinka kale ee dowladani amaan ay ku muteysatay waxa ka mid ah hirgelinta maxjarada xoolaha laga dhoofiyo oo tayaysan taas oo sahashay dhoofka xoolaheena oo markii la arkay caafimaadkooda iyo sida dowladu u maamulayso wadamadii la geyn jiray dib ay u ogalaadeen in ay qaataan iyadoo aynu wada ogeyn in xoolaha somalida laga diiday wadamadii la geyn jiray!!!
8:- Waxaan iyadana aan la ilaabi Karin talaabadii uu madaxweynuhu kusoo dhaweeyay kuna marti qaaday tartankii qur’anka kariinka ah ee ramadantan ka qabsoomay dalka oo dhan oo madaxweynuhu uu xaflad maamuus ah madaxtooyada ugu sameeyay culimadii iyo ardaydii ka qebqaadatay tartanka, halkaasna abaal marino madaxweynuhu ku bixiyay talaabadan oo culimadu aad ugu amaaneen kuna hambalyayeen madaxweynaha!!!
Halkaas markay wax marayaan ee dowladiii wax qabad muujisay oo qaar kaloo badan oo aanan halkan kusoo qaadin oo wax qabad ahi ay jiraan ee qofkii caqli lehi arki karo, ma inala tahay shacbi ahaan in aynu alle ugu mahadnaqno alle ugu horeyn kadibna madaxda dowladana ku amaano oo ugu shukri naqno wax qabadka ay muujiyeen, si ay u arkaan in shacabkii taageero la garab taaganyay si ay ugu sii dhiiradaan waxqabad kale. oo xitaa haddii la doonayo in wax la mucaarado oo dhaliilaha dowlada la sheego yaan xaragada laga tagin ayaan odhan lahaa !!!
Guntii iyo gabagabadii !!!
Waxaan soo jeedin lahaa in la taageero dowlada iyo horumarka socda ee ay wado, oo la garab istaago markay dawladu wax qabanayso oo aynaan noqon shacbi markasta dawlada ka cawda si aynu u gaadhno himiladeena siyaasadeed inagoo ogsoon cadawga inagu hareereysan!!!
WABILAAHI TAWFIIQ,,,,
Mohamed-yasin abdi kahin xuubsiibte
SHAKS600@YAHOO.COM 0634446440