Monday, September 16, 2013

Burco: Madaxweyne Siilaanyo Caawa u hoyday, Berrina Maqaska u qaadanaya Mashaariic uu furayo iyo kuwa la bilaabayo


Burco(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo socdaal shaqo ugu soo baxay Gobolada bariga Somaliland ayaa maanta soo gaadhay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer,Madaxweynaha oo Safar xaga dhulka Ah kusoo maray illaa hargaysa ayaa 




 markii uu soo gaadhay Magaalada Burco waxa uu la kulmay dadweyne isugu jiray masuuliyiin iyo arday oo illa saaka hareero taagnaa. dad weynuhu ay meel walba u tubnaayeen iyaga  oo madaxweynaha ku soo dhaweeyey Baabuurta noocyadeeda kala duwan Kuwa raaxada, Xamuulka iyo Baabuurta yar yar .




waxaana markii uu soo gaadhay Magaalada Burco  barxadda hore ee guriga martida kala hadlay kumannaan Dadweyne ah isugu jira qaybaha bulshada, dhinaca kalena salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidmada qaranka guutada 12aad.




waxa uu shacabka reer Burco uga mahadnaqay soo dhoweynta diiran ee aanay u kala hadhin reer Burco,Badhasaabka Gobolka Togdheer  Axmed Cumar x.c/laahi (xamarji) ayaa isna xusay in madaxweynuhu mudada kooban ee u gobolka joogo uu xadhiga ka jari doono mashaariic badan oo gobolka laga hirgeliyey, sidoo kalena dhagax dhigi doono mashariic cusub.




madaxweynaha waxa socdaalkiisa ku wehelinyey Marwada Koowad ee Dalka Marwi Amina weris Maxamud JIrde, Wasiirrada Madaxtooyada, Xirsi Cali X.xasan, Warfaafinta C/laahi cukuse, Ciyaraha Cali Siciid Reygal, Beeraha Faarax Cilmi Geedoole, waxbarshada Samsam Cabdi Aadan, degaanka iyo horumarinta reer miyigi Shugri X.Bandare, Wasir kuxigenk Ganacsiga Bashir Cabdi Xariir, Afhayenk Madaxtooyada Dhuxul, Wasiiru Dawleyaal, agaasimyaal iyo Masuliyiin kale oo heer qaran.




Waxaana  weftiga uu hogaaminaayo madaxweynaha loo gelbiyey oo ay caawa  ku sugan yihiin Hotel City Palaza ee Magaalada Burco waxaana la Filayaa inuu magaalada Burco joogidoono illaa Malinta Berito ah iyadoo la Filayo inuu xadhiga ka jari doono mashhaariic wadooyin ah oo laga Fuliyay Magaalda Burco kuwaas ay Fuliyeen Hay,adaha Qaramada Midoobay ee wada shaqaynta la leh dawladaha Hoose Mashaariicdaas loo yaqaan GBLG.




sidoo kale waxaa la Filayaa inuu ardayda jaamacadaha kala qaybgalo qalin-jabintooda, isla markaana booqdo mashruuca dhismaha waddada isku xidha Oodweyne iyo Burco Dib u dhiskeedu socdo iyo meelo kale.




Madaxweynaha ayaa intii aanu maanta ka ambo-bixin berbera waxa uu sii furay barmaamujyo horumarineed oo dawlada hoose ee Berbera fulisay iyo kuwo Maamulka Gobolka saaxil hir-geliyay, isagoo kormeerna ku tegay xarumo muhiim ah oo magaaladaasi ku yaala.




Axmed Muuse




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com