Maxaa ka dhexeeya Cashuurta Wasiir Xirsi ku soo Rogay Xoolaha Nool iyo Lacagaha Maxamuud Xaashi Madaaradda Somaliland ku xidhay?.
Hargeysa(GNA)-Ku dhaca iyo Dhiiranaanta siyaasadeed ee xubno ka mid ah Golaha wasiirrada ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku socdaan , ayaa gaadhay heer qorsheyaal sharci lagu meelmariyo Lacago ka baxsan Nidaamka Maaliyadeed ee dawliga ah ee Bulshada Cashuur ahaan looga qaado, taasoo dariiqa u xaadhaysa hanta-lunsi iyo Culays dadweynaha lagu Dhiig-miiranayo.
Wasiirka Wasaaradda madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa laba todobaad ka hor Golaha wakiillada u soo gudbiyay qabyo qoraalka Xeer loogu magac daray Horumarinta Waddooyinka oo lagu lamaaneeyay Lacago lagu soo rogay Xoolaha Nool ee dibada loo dhoofiyo iyo Gaadiidka, waxaana xeerkaasi ku qeexan in Neefka Geela ah ee ka dhoofaya Dekeddaha Somaliland laga qaadayo lacag dhan 19000SHLS oo u dhiganta $3, taasoo ka baxsan Cashuurta Wasaaradda maaliyadu qaado ee Dastuuriga ah, Neefka Lo’da ah-an 19000SHLS laga qaadayo, halka Adhigana calaa neef la saaray 4500Shls aan ahayn cashuurta saxda ah, sida lagu qeexay qodobka 5-aad ee Xeerkaasi oo nuqul ka mid ah Gobanimonews heshay.
Sidoo kale noocyada Gaadiidka yar yar iyo kuwa waaweyn ayaa qabyo qoraalka Xeerkani ku soo kala rogay in saddexdii biloodba mar laga qaado Baabuurta yar-yar eek ala duwan oo ay ku dadweynuhu ku jiraan lacag dhan 15.5, taasoo Guddida arrimaha Bulshada ee Golaha wakiiladdu u bedeleen 95,000shls, halka kuwa Gawaadhida waaweyn-na uu jideynayo in sidan oo kale 3-dii biloodba laga qaado kharash dhan 390,000Shls”, sidaasina waxa jideynaya qodobka 6-aad ee Xeerkaasi.
Xeerkan oo wali dooddiisu ka socoto Golaha Wakiillada, ayaa lacagaha cashuurta ah ee lagu jideynayaa, si cad u baalmarsanyihiin sharci maaliyadeedka dawliga ah ee cashuuraha, wax saameyn ahna aanay ku lahayn Wasaaradda maaliyada ee dawlada u qaabilsan arimaha dhaqaaluhu, inkasta oo sida ku cad qodobada loo cuskaday sameyntiisu ay yihiin kuwa jideynaya Cashuuraha dastuuriga ah.
Sidoo kale horaantii sanadkan, gaar ahaan bishii Feberaury, waxa Golaha Wakiillada la horkeenay oo mudo kooban lagu ansixiyay Xeerka takaalifaatka amaanka Madaaradda oo ay soo sameysatay Wasaaradda Duulista Hawaddu, kaasoo qof kasta oo ka dhoofaya ama ka soo degaya Madaarada dalka ku waajibinaya inuu bixiyo lacag dhan $10 oo lagu micneeyay adeega amaanka Madaarka, $3 oo Nadaafada ah iyo Kharashaad kale oo ay ku jirtay lacag 50 Dollar ahayd oo gelista gudaha madaarka lagu sheegay, taasoo mudo dadka laga qaadi jiray balse markii dambe la joojiyay.
Xeerka loogu magac bixiyay takaalifaatka amaanka Madaaradda, ayaa Madaxweyne Siilaanyo si dhakhso ah dhaqan-galkiisa qalinka ugu duugay, ilaa hadana lama hayo xisaab celin iyo xaqiiqo ku salaysan habka loo maamulo iyo adeegyada lagu fuliyo lacagaha lagu jideeyay.
“lacagtaa adeegyadii loogu talo-galay waxa bixiya kharashkooda Hay’addo dawlada la shaqeeya, qalabka Kamaradaha ee la yidhi waa lagu horumarinayana waxa inaga caawiyay dawlada Ingiriiska, markaa meeshan toban lacagayow ayaa lagu qaadaa oo wax lagu qabto aan la garanayn”sidaasi Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah Bulshada ku dhaqan Magaalada Hargeysa oo dhiig-bax ku tilmaamay dhaqaale Uruursiga dawlada Somaliland bulshada ku hayso.
Laakiinse marka dib loo eego Xeerka horumarinta Waddooyinku waa mid ka xaasaasisan, isla markaana ka saameyn badan kan Madaaradda ee Maxamuud Xaashi Cabdi Golaha Xeer dejinta jiidhsiiyay sanadkan horaantiisii, waxaanu caqabad hor leh ku yahay Xoolaha Nool ee laga dhoofiyo Dekedda Berbera ee Somaliland oo ay ku gedaaman yihiin Dekeddo waaweyn oo tartan kula jiraa.
Madaxweynaha Dawlada Djabuuti, ayaa todobaadkii hore dhagax-dhiga laba dekeddood oo laga dhisayo Dhul-xeebeedka Kulaala xuduudka somaliand iyo Djabuuti, waxaana labada dekeddood Maal-gashi ku sameynaysa Shirkad magaceeda la yidhaahdo DUBAI PORTS WORLD, oo ka mid ah shirkaddaha aduunka ee Maal-gashiga ku sameeya Dekedaha Caalamka,waxaana ku baxaysa lacag dhan 470 Milyan oo Dollar.
Labadan Marso oo laga kala dhisayo Deegaamadda Dameer-joog iyo Dooraale ee Dalka Djabuuti, waxa Munaasibadii lagu dhagax dhigay ka qayb-galay Wasiirka Hawlaha guud iyo Guriyeynta Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, wasiir ka socda dawlada Federaalka Itoobiya iyo wefti ka socda dawlada somaliya oo uu hogaaminayo Reysal-wasaaraha dalkaasi Cabdi Faarax Shirdoon, kuwaasoo Mashruuc guul ugu duceeyay.
Ka qayb-galka Wasiir Khaliif ee Xafladaha dhagax-dhiga iyo Cashuur ku kordhinta Xoolaha ka dhoofa Dekedda Berbera ayaa ah laba arimood oo laysu sibir saarayo in xidhiidh ka dhexeeyo, waxaanay dhabar jab ku yihiin Mustaqbalka Dekedda Berbera, balse wali ma cadda in Mashruuca Xeer ee Madaxtooyada Somaliland ka soo fulay Golaha wakiillada ansax kaga gudbi doono.
Dhismaha labadan dekeddood, waxa bar-bar socda Maxjar weyn oo ay Shirkadda Al-jaabiri ee Xoolaha ka dhoofisa Berbera ay ka hir-gelisay Magaalo madaxda Dawlad Deegaanka somalida ee Itoobiya ee Jig-jiga , waxaana dadka arrimaha dhaqaalaha ka faaloodaa ku doodayaan in xidhiidh ka dhexeeyo labadan Mashruuc ee Jig-jiga iyo Dameer Joog ama Dooraale.
“labadan Dekeddood ee Djabuuti dhisanayso, waxay saameyn toos ah ku yeelanayaan Dhaqaalaha Dekeddaha Somaliland ee Berbera iyo Saylac, waxaanay fududeynayaan inay Itoobiya Xoolaha nool ka dhoofiso Dekeddahaasi, waxna kala soo degto”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Maxamed Axmed oo ah Khabiir Culuumta Dhaqaalaha ku Takhasusay .
Kaasoo intaasi ku daray “Kordhinta Cashuurta Xoolaha nool iyo Gaadiidka lagu kordhiyay waxay fursad u tahay labadaa dekeddood, waayo Xoolaha ugu badan ee nool waxay ka dhoofi jireen Berbera marka hadii cashuurta lagu kordhiyo cashuurtaasi ciday fuulisayaa waa dadka ganacsatada ah, ganacsataduna meeshay doonaanbay xoolohooda ka dhoofinayaan.
“iminka Shirkadda Al-jabiri ee Dekedda Berbera waxa ka dhoofisaa waxay dhawaan Maxjar ka samaysay Magaalada jig-jiga, maxjarkaasi waxa dhici karta in Xoolaha lagu soo baadho, dabadeed laga dhoofiyo Dekeddahan Jabuuti dhisanayso, wasiirradan Somaliland ee talaabooyinka qaadayna waxay dilaaliin u yihiin oo ay camirayaan dekedahaasi”ayuu yidhi Maxamed.
Inkasta oo Khabiirkani sheegay inay Khatar suuq ku soo waajahantahay Marsada Berbera oo ay hore u saameysay cashuur kordhin Xukuumaddu samaysay laba sanadood ka hor, hadana wasiirkii hore ee Ciyaaraha Somaliland Cabdi Siciid Faahiye ayaa sheegay in hadii uu hir-gelo Mashruuca sharci ee Takaalifaat-ka horumarinta waddooyinku, go’aan kasta laga filo karo Ganacsatada Xoolaha dhoofisa.
“horta Xeerkani waa Mashruuc Sharci oo wali dooddiisu socoto oo wax dhaqan galay maaha, laakiinse hadii uu sharci noqdo anigu waxaan u malaynayaa in go’aanka ay leeyihiin Ganacsatada xoolaha dhoofisaa, oo ay Berbera sii joogi karaan, Boosaaso u wareegi karaa ama Dekeddaha Jabuuti tegi karaan, waxaanay ku xidhantahay hadba meesha ugu cashuurta naasilan”ayuu yidhi Cabdi siciid oo la hadlay Gobanimonews.
Waxaanu intaasi raaciyay “labadan dekeddood ee Jabuutina annigu ma arko wax saameyn ah oo ay ku yeelanayaan Dekeddaha Somaliland, inay iscamiraan mooyaane, laakiinse hadii ay sidaa tahay oo dekedda berbera looga wareego taasi waa mid ku xidhan ganacsatada”.
Geesta kale, Xildhibaano ka tirsan Golaha wakiiladda Somaliland ayaa dareensan jiritaanka saameyn taban oo ay Ilaha dhaqaale ee Dekeddaha dalka ku yeelanayso Hantida ka baxsan Cashuuraha dastuuriga ah ee ay Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland ka raadinayso Ganacsiga kaliya ee Somaliland caalamka u iib-geyso oo ah Xoolaha Nool, waxay taasi qayb ka tahay doodda kulul ee ay aqlabiyada goluhu kala hor yimaadeen ansixinta Mashruucan xeer ee la soo hordhigay.
Si kastaba ha ahaatee dhaqan galka Mashruuca Xeer ee lacagaha ka baxsan Cashuurta Distooriga ah lagu saarayo Ganacsiga kaliya ee ay Somaliland dibadaha u dhoofiso, ayaa halis dhaqaale iyo iska hor-imaad Bulsho waddanka ka abuuri kara,hadaanay is-hortaagin Golaha Xeer-dejinta ee shacbigu wakiishay.
Waxa kale oo siweydiin mudan sababta Baahida gaarka ah ee Dhaqaalaha loogu raadinayo u yeeshay Hay’adaha dawliga ah ee ay Madaxda ka yihiin Wasiirradda Kalsoonida badan ka haysta Madaxweyne siilaanyo ee fartu ku godantahay, kuwaasoo u muuqda kuwo fulinaya dano ka baxsan jiritaanka dawladnimo iyo horumarka dhaqaale ee waddanku ku talaabsaday 22-kii sanadood ee la soo dhaafay.
Taasoo xaqiiqadeeda laga dheehan karo Mustaqbalka Madow ee soo foodsaaray Madaaradda dalka ee laga dhoofo, oo laba sanadood ka hor mashquul badan laga dareemayay, balse wakhti xaadirkan goraygu ka hadaafay, haataana ku sii siqaya in Dekedda Berbera ay noqoto bogcad looga guuro Dekeddaha kale ee Mandaqada, sida Boosaaso, Djabuuti iyo kuwa ku yaala badhtamaha iyo Koonfurta somaliya oo qaarkood dhawaan la furi doono, qaarna sanadkan dib al-baabadda loogu furay.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com