Friday, September 20, 2013

Siyaasi Puntland ka soo goostay oo markii uu Hargeysa Xil ka waayay M/weyne Siilaanyo ka qaatay Lacag uu Baarlamanka Garoowe Isugu sharaxay


Garoowe(GNA)-Maxamuud Nuur Dabeyl, oo mar ahaa Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Maamulka puntland, balse Bilo ka hor  ka mid ahaa siyaasiyiin ay soo jiidatay Dabeysha siyaasadeed ee Madaxweyne Siilaanyo ku soo xero-geliyay qaybo ka mid ah bulshada Bariga Sanaag, ayaa dib uga soo dhex muuqday loolanka loogu jiro Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland oo ay xubno badan oo ka soo jeeda Goboladda badhan iyo Sanaag u sharaxanyihiin.




Siyaasi Dabeyl, ayaa  muddo ku siman laba bilood Hargeysa ka amba-baxay, ka dib markii uu iska waayay Liiska Golle wasiirro ah oo Madaxweyne Siilaanyo ku dhawaaqay 25 June, taasoo uu ka mid ahaa xubno sugeyaal ahaa oo xilal loo balanqaaday.




Siyaasigan ayaa in muddo ah ku sugnaa Hargeysa, isla markaana dedaal badan u galay sidii xil loogu magacaabi lahaa, taasoo markuu fursadda uu helayna laga boodsiiyay,isna taasi bedelkeeda sida ay Gobanimonews xogaha ku heshay ugu jeexay ilaa Garoowe si uu uga faa’idaysto Doorashooyinka Baarlamaaniga ah ee Maamulkaasi oo lagu soo xulanayo hab Beeleed.




Ka hor intii aanu ka ambo bixin Somaliland, waxa la sheegay inuu Lacag Qadarkeeda lagu sheegay $20,000 oo Dollar Madaxweyne Siilaanyo u siiyay Sooryo ahaan, taasoo uu Hudheelkii uu degenaa iyo kharashaadkii ku baxay intuu Hargeysa joogay loo xisaabiyay.




Maxamuud siciid Nuur Dabeyl, ayaa haatan ka mid ah ilaa 17 xubnood oo Madaxdhaqameedka Bariga Sanaag u xulanayaan Golaha Baarlamanka, kuwaasoo markay beel waliba xubnaha uga mid noqonaya soo saarto, ugu dambeyn uu ansixinayo Suldaanka Guud ee Beesha Warsan-geli Suldaan Siciid Cabdisalaan oo isaga laftiisu Hargeysa u jooga ujeedooyin siyaasadeed oo salka ku haya arrimaha siyaasigaasi halkan u yimi.




Talaabada uu qaaday Guddoomiyihii hore ee Sanaag u qaabilsanaa Maamulka Faroole, oo waji gabax ku noqday xukuumadda Siilaanyo ee lacagtii ay siisay uu kaga tartamayo Garoowe, ayaa saameyn ku yeelatay imaanshiyaha weftiga Suldaan Siciid, waxaanay dhanka kale Madaxweyne Siilaanyo ku noqotay arin filan waa ah.




Sida Gobanimonews wararka ku helayso ka sekow xubinnimada Baarlamanka Puntland, Maxamuud Dabeyl  waxa uu isu sharaxayaa inuu noqdo Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo saami qaybsiga Puntland jideynayo in Beesha sanaag qaadato, Kursigaasoo ashkhaasta ugu dhow inay ku guulaystaan uu ka mid yahay.




Sheekadan ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kala kulantay qorshe Habacsanaan badani iyo ku talo-gal la’aani ka muuqato oo ay ku waajahday tabasho bixinta Bulshooyinka Bariga Sanaag, Buuhoodle iyo Sool, iyadoo hore siyaasiga Kayse Cabdi Yuusuf oo sidan dabeyl Hargeysa yimi loo dhiibay Kursi Maqaar saar ah oo uu markii dambe deyn uga cararay markii ay dawlada Mushaharkii uu ku shaqaynayay ka waayay, islamarkaana loo qabsaday Kharashkii uu isticmaalay mudadii xil sugaha ahaa iyo wakhtigii Wasiir u dawlaha Nabadeynta Bari loo magacaabay.




Tani waxay Cashar u noqonaysaa qadiyada habacsan ee uu madaxweyne Siilaanyo Gogosha nabada ku fidiyay markii uu talada qabtay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com