Thursday, September 19, 2013

Boorama: Wasiirka Wasaarada Biyaha oo la Xisaabtamaya Shirkadda Biyaha ee SHABA iyo xubno ka socda Bulshada oo Su’aalo adag ku boobay


Boorama-(GNA) Wasiirka Wasaarada Khayraadka Biyaaha ee Somaliland oo ay weheliyaan agaasime waaxeedyo ka tirsan wasaaradiisa ayaa maanta booqasho hawleed ku yimid magaalada Boorama




Booqashadan oo ah tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee uu wasiirku ku yimaado Boorama tan iyo intii wasaaradiisa laga hoos saaray wasaaradii Macdanta iyo Biyaha ayaa waxa ay qaadan doontaa mudo laba maalmood ah.




Wasiir Xuseen Axmed Cabdule oo ka waramayay ujeedada kormeerkiisa ayaa ku sheegay mid uu ugu kuur galayo xaalada biyaha ee Boorama isla markaana uu kulano la yeelan doono dadwaynaha iyo madaxda Wasaarada Biyaha ee heer gobol oo ay ku lamaan yihiin madaxda shirkada SHABA ee ka madaxa banaan xukuumada ee gacanta ku haysa biyaha Boorama.




“Waxa 10 sano gacanta ku hayay biyaha Boorama shirkada SHABA, mudadaasi waxa ay ku dhawdahay gabagabo, waxana ay ujeedadu tahay si loo ogaado xaalada biyaha, waxana aan kulamo la yeelan doonaa sedexda dhinaca ee heshiiskaasi wada saxeexay kuwaas oo kala ah wasaarada khayraadka biyaha, dawlada hoose iyo shirkada SHABA, waxana aan la kulmi doonaa dadwaynaha oo aan ka waraysan doono waayo aragnimadooda ku aadan sida ay SHABA u shaqaysay iyo caqabadaha iyo waxqabadka shirkada ee ay ogsoon yihiin ee ay ka marag kacayaan.




Wasiirka ayaa waxa uu xusay in Wasaaradu tahay mid curdin ah oo aan ku filnayan wax ka qabashada baahiyaha biyaha ee guud ahaan gobolka Awdal, waxana uu yidhi “Wasaaradaydu waa mid cusub oo ma laha tabar balaadhan oo ay wax badan ku qaban karto, waxase qorshaha noogu jirta inaan baahiyaha biyaha ee jira u kala mudnaysiino sida ay u kala mudan yihiin isla markaana aan wax uga qabano kolba sida noo suura gal ah anaga oo la kaashanayna hayadaha kale ee aan gacansaarka leenahay”




Wasiirka oo wax laga waydiiyay in mar hadii ay SHABA ka dhamaatay mudadii 10ka sano ahayd ee loo qabtay inay furi doonaan saamiyada SHIRKADA iyo inkale waxa uu isaga oo taxadir badani ka muuqdo uu yidhi “Waxa aan u kuurgali doonaa waxqabadka SHABA, markaa mar hadii iyada loo kordhinayo iyo hadii cid kale la siinayaba waa loo wada joogi doonaa”




Dhanka kale wasiirka ayaa markii uu dhamaystay kulankii uu la qaadanayay saraakiisha sarsare ay hor is taageen raxan dhalinyaro iyo odayaal reer Boorama ahi waxa ay wasiirka waydiiyeen su’aalo ad adag oo uu jawaabahooda ka gaabsaday,kuwaas oo mid ka mid ah odayaashii waydiiyay Su’aalahaas Caaqil Cilmi Faarax Sanloo,waxa ayna ahayd kol hadii xilkoodii dhamaaday gudigii ganacsatada ahayd ee tobankaas Sanno soo maamulaysay shirkadan maxaa uga gudboon Somaliland,Xukuumadu Ma La Wareegaysaa mise Sheerar cusub ayaa la furayaa?? Taas oo uu kaga jawaabay laba cisho ayaan joogayaa arintaasna waan eegayaa oo u kuur gal balaadhan ayaan u socdaa…




Intaas ka dib waxaa xerada Shabba soo buux dhaafiyay ciidanka Amaanka oo uu dalbaday mid ka mid ah raga xilkoodu sii dhamaanayo ee ganacsatada ah magaciisana la yidhaahdo Ina Curaagta ciidaankaas oo uu hogaaminayay Taliye Raran markii uu goobta yimid ayaa waxa uu arkay wixii loo sheegay wax ka gadisan ciidankiina dib ayuu ula noqday isaga oo sheegay in loo sheegay in banaanbax laga horsamaynayo Shabba..




Si kastaba ha ahaatee booqashadan ayaa u muuqata mid ay xukuumadu kula sisaabtamayso waayo aragnimona uga korodhsanayso shirkada SHABA oo toban sano maamulaysay biyaha Boorama, waxana tani badalkeeda cabasho iyo baahiyo badan oo dhinaca biyaha ah qaba degaano badan oo gobolka Awdal ah kuwaas oo baahida jirta ee ay qabaan aawadeed aanan sugi karin waqti badan oo ay wasaaradn curdinka ahi ku noqonayso mid cagaheega isku taagta




Wariye mustafe caraale




Caraale_143@hotmail.com




Borama office