Wednesday, September 18, 2013

SL: Xisbiyada Qaranka iyo Komishanka Doorashooyinka oo Qalinka ku duugay Heshiis lagu qabanayo Diwaan-gelinta Codbixiyayaasha






Hargeysa(GNA)-Asxaabta Qaranka iyo Guddida  Doorashooyinka Somaliland ayaa Maanta kala saxeexday Heshiis lagu hir-gelinayo Diwaan-gelinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka Somaliland.




Heshiiskan ayaa lagu kala saxeexday Kulan balaadhan oo Maanta ka dhacay Magaalada Hargeysa,kaasoo ay ka soo qayb-galeen Madaxda Asxaabta Qaranka iyo Guddida Doorashooyinka qaranka, soona qabanqaabiyay Akaadamiga Nabadda iyo horumarinta, waxa lagu heshiiyay qodobadan




1. Diiwaangalinta codbixiyeyaasha iyo ta madaniga ahiba aad ayey muhiim ugu yihiin qaranka Somaliland.




2. Doorashadu waxay ku hirgalaysaa:




• Diiwaangalinta codbixiyeyaasha waxay si buuxda uga madaxbanaantahay diiwaangalinta madaniga ah.




• Waxa laga baxayaa khalkhalkii cida qabashada doorashada leh




• Wakhtiga la haysto ayaa lagu qabankaraa diiwaangalinta codbixiyeyaasha.




• Waxaynu u madaxbanaanaanaynaa inaynu isticmaalo qalab casri ah oo suurgalinaya diwaangalinta codbixiyeyaasha.




• In siyaasadda laga saaro diiwanglinta madaniga ah




3. Diiwaangalinta codbixiyeyaashu waa inaanay u wiiqmin lacag la’aan awgeed




4. Waxa la dajinyaa jadwalka nidaamka diiwaangalinta iyo doorashada (Roadmap).




 Akhri Draft-ga la kala saxeexday:-  




Heshiiskan ayaa ku soo beegmaya xili Doorashooyinka Madaxtooyada Somaliland ay ka hadhsanyihiin mudo ku siman 22 Bilood oo qudha, kuwa Baarlamanku kaabiga ku hayaan xiligaasi.




Ma cadda in Diwaan-gelin laga gaadhsiin karo xiligaasi iyo in kale, balse doodad taagan ayaa ah walaac laga qabo dib u dhac ku yimaada doorashooyinka isdaba socda,iyadoo diwaan-gelin dhakhso loo qabtaa ku xidhantahay hadaba sida loogu helo dhaqaale lagu sameeyo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com