Wednesday, September 18, 2013

Muqdisho: Dawlada oo Xabsiga Dhigtay Masuul ka tirsan Xisbul Islaam oo Sheegtay Xoghaye Guud iyo Khilaaf ka dhex qarxay Ururkaas


Muqdisho(GNA)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay xidheen Sheekh Maxamed Macalin oo ahaa Xoghayihii ururka Xisbul Islaam ee dhinaca Arrimaha dibada, kaasoo goor dhoweyd Mas'uul u hadlay ururkaas uu sheegay inay xilka ka qaadeen.

Wararka ayaa sheegaya in Maxamed Macalin lagala baxay Hotel uu ka deganaa magaalada Muqdisho, iyadoo war uu saxaafada siiyay ku sheegay maalin ka hor in Ururka Xisbul Islaam uu shir nabadeed ugaga furmay magaalada Muqdisho.

Goor sii horeysay ayaa Ismaaciil Xaaji Caddow oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho sheegtay inuu yahay Xoghayaha guud ee Golaha Shuurada Xisbul Islaam waxaa uu ka dhawaajiyay in Sheekh Maxamed Macalin ay xilka ka qaadeen, isla markaana aanu jirin shir ugaga furmay Muqdisho.

Lama oga halka uu ku xiran yahay, hase ahaatee xubno ka tirsan Xisbul Islaamkii bur buray ayaa sheegaya in la xiray Maxamed Macalin oo ka mid ahaa garabyo ururkaas ka tirsanaa oo Muqdisho ka waday dhaq dhaqaaq.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan xadhiga ninkan, hase yeeshee waxaa uu maalin ka hor sheegay in Sheekh Xasan Dahir loo wareejin rabo Xabsiga dhexe, isla markaana dowladdu dooneyso inay Maxkamad Milateri saarto.




Mid ka mid ah Saraakiisha Ururkan ayaa la sheegay in xalay lagu dilay Magaalada Muqdisho, kaasoo ka mid ahaa Kooxdii Cadaado ka soo kaxaysay sheikh Xasan.




Xadhiga sarkaalkan Xisbul Islaam iyo hadalada kala duwan ee ay Warbaahinta isu mariyaan Ururkaasi ayaa muujinaya inuu Khilaaf dhexdooda ka jiro , xili Ninkii hogaamin jiray ee Xasan Daahir Aweys Maxbuus yahay Dawlada.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email; editor@gobanimonews.com