Wednesday, September 18, 2013

SL: Wasiirka Macdanta oo Difaacay Sharciyadda Heshiisyada Sahaminta Shidaalka oo Golaha Wakiiladdu dalbadeen in la horkeeno


Hargeysa(GNA)-Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale Somaliland ayaa Difaacay Heshiisyada ay xukuumaddu la gashay Shirkaddaha Baadhista Shidaalka, kuwaasoo ku tilmaamay kuwo waafaqsan qawaaniinta Caalamiga ah ee dunida u degsan, sidaasi darteed in Golayaasha sharci dejinta la horgeeyo duruuf khasbaysaa jirin.




Hadalka wasiirka ayaa daba socda Dalab xildhibaano ka tirsan Golaha wakillada Somaliland u soo jeediyeen xukuumadda todobaadkan oo ku saabsan in Heshiisyada Sahaminta Shidaalka Golayaasha xeer-dejinta la hor keeno si ay dib u eegis iyo xaqiijin sharci ugu sameeyaan.




Xuseen Cabdi  Ducaale, ayaa ku dooday in Golaha wasiirradu ansixiyeen heshiiskaasi, isla markaana waafaqsanyahay shuruucda Caalamiga ah ee arimahan khuseeya “Heshiiskan waxa ansixiyay oo ka dooday Golaha wasiiradda ee xukuumadda oo Masuuliyadi ka saarantahay fulinta hawlaha, waxaanay heshiisyadaasi waafaqsanyihiin Xeerarka caalamiga ah, wax dhibaato ah oo ku lamaanina ma jiraan, markaa dawladu hadii ay Golaha wakiilada in loo gudbiyo u aragto way u gudbinaysaa”ayuu yidhi Wasiirku.




Waxaanu intaasi ku daray “Bulshada reer Somaliland haday noqoto siyaasiyiinta Mucaaridka ah, bulsahda  iyo xildhibaanadaba waxaan leeyahay hadii wax la dhaliilayo, waxa qurux badan in dalka loo tudho oo aan waxyeelo loo geysan waddanka, hawshan sahaminta shidaalkuna waa arin aad yaab badan, waxa weeye Shirkadda hawsha fulinaysaa waxay diyaar u tahay in iyadoo boqol Milyan oo dollar khasaartay hadii ay waydo waxaa la doonayo inay iska tagto, hadii ay heshona waxa heshiisku dhigayaa in laba qaybood marka loo qaybiyo meesha ugu badan Somaliland yeelato”ayuu yidhi isagoo la hadlayay Televesion-ka dawlada..




Xildhibaano ka mid ah Golaha wakiilada ayaa ku cel-celinayay in dhakhso golohooda loogu soo gudbiyo  heshiisyada ku taxaluqa sahaminta shidaalka, iyagoo ku dooday inay khatar ku yihiin amaanka dalka, sidaasi darteed loo baahanyahay in sharciga la waafajiyo.




Wasiirka ayaa ka mid ahaa wefti xukuumadda ka socda oo shirkadii Genel Energy kaga daba-tegay Ingiriiska, ka dib markii cabsi dhinaca amaanka ahi soo waajahday, taasoo wasiirka mar la waydiiyay uu ku sheegay in nabad-gelyo darada shirkaddu u baxday khuseeyo Gobolka oo dhan, balse aanay ahayn mid Somaliland khaas ku ah.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com