Baligubadle( GNA)Maamulka gobolka Hawd kan degmada baligubadle iyo gudida horumarinta gobolkaasi ayaa maanta waxaa ay si rasmi ah u dhagax dhigeen dhismayaal cusub iyagoo qaar kalena bilaabay dhismihooda, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen xabsiga degmada baligubadle oo dhismayaal cusub lagu kordhinayo iyo saldhig cusub oo ay laga dhisayo degmada baligubadle ee xarunta gobolka hawd
Taliyaha qaybta booliska gobolka hawd gaashaanle Jamaal Cabdi Jaamac oo ugu horeynba munaasibada lagu dhagax dhigayay isagoo mahadnaq halkaasi uga soo jeediyay cid kasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta dhismahan cusub ee saldhiga magaalada baligubadle waxaana uu sheegay mashruucan cida bixinaysa isagoo farta ku fiiqay inay si degdeg ah loo dhamaystiri doono hadii alle idmo
Gudoomiyaha gudida horumarinta gobolka hawd ahna maayarkii hore ee degmada baligubadle ibraahin colaad ayaa ka hadlay inay dhagax dhigeen mashaariic dhowr ah tan iyo mudadii yarayd ee ay jireen gudidoodu waxaanu yidhi “Maxkamada gobolka hawd,dayr weyn oo lagu wareejinayo xafiiska maamulka gobolka hawd,xafiiska wasaarada waxbarashada gobolka hawd,xabsiga degmada baligubadle iyo saldhigan aan maanta u taagan nahay dhagax dhigiisa waxaana uu ilaahay kasokow halkaasi uga mahadnaqay gudoomiyaha gobolka hawd ibraahin xasan cali oo uu ku sheegay inuu si weyn uga qayb qaatay horumarinta gobolka hawd iyo dhamaystirka mashaariic door ah oo gobolku tebayay
Sidoo kale iyaguna waxa halkaasi ka hadlay waxgarad iyo cuqaal kale kuwaasi oo fariin u diray qurbajoogta deegaanka kana codsaday inay kasoo qayb qaataan dhismayaasha sida xawliga ah ku socda ee laga hirgelinayo gobolka waxayna sidoo kale Amaan fara badan ku tilmaameen gudoomiyaha gobolka hawd ibraahin xasan cali oo ay sheegeen inuu gobolku soo gaadhay goboladii kale mudadii yarayd ee uu badhasaabka ka ahaa
Si kastaba ha ahaatee Mudooyinkii u danbeeyey waxa guud ahaan gobolka hawd gaar ahaana magaalada baligubadle si xawli ah uga soconayay dardar gelinta mashaariic horumarineed oo deegaanku tebayay Kuwaasi oo uu gadhwadeen ka yahay Gudoomiyaha gobolkaasi ibraahin xasan oo laga soo bedelay gobolka saraar, halkaasoo uu kasoo fuliyay mashaariic horumarineed oo laxaad leh
Maxamed Aadan Dirir
Gobanimonews
Bali-gubadle