Wednesday, September 18, 2013

GROUP B: CR7 Oo Real Madrid Ku Hogaamiyay Xasuuqa Galatasaray Xilli Juventus Lagu Dhegay.


Tababare Carlo Ancelotti ayaa guul kula bilowday Real Madrid koobka Champions League ka dib markii ay 6-1 ku xasuuqeen kooxda Galatasaray oo marti loogu ahaa Istanbul, iyadoo Cristiano Ronaldo uu seddexleey dhaliyay. Tababare Carlo Ancelotti ayaa ka dhabeeyay hadalkiisa, waxaana uu kulankaan ku soo bilaabay kabtan Iker Casillas, halka xiddiga adduunka ugu qaalisan uu ku bilowday ciyaartaan kursiga keydka. Kooxda martida loo ahaa ee Galatasaray ayaa heshay fursadii ugu horeysay, kubad gantaal aheyd oo ka baxda lugta Felipe Melo ayaa waxaa si qatar ah u badbaadiyay Casillas. Laakiin nasiib xumo Casillas kuma waarin garoonka ka dib markii dhaawac uu xabad ka soo gaaray islamarkaana ay keentay la bedelo iyadoo markii uu garoonka ka baxayay ay u sacabiyeen taageerayaasha Galatasaray, waxaana bedelay goolhayaha Real Madrid ee La Liga Diego Lopez. Lopez ayaana daqiiqadii 17aad fursad qaali ah oo madax aheyd ka badbaadiyay Melo ka dib laad xor ah oo uu soo tuuray Riera. Daqiiqadii ku xigtay ayayna Real Madrid ku dooday rigoore markii Benzema uu kubad u dhigay Ronaldo kaasoo isna la dhex dhigay xerada ganaaxa, garsooraha ayaana diiday inay rigoore tahay ka dibna Di Maria ayaa kubada helay oo goolka dushiisa dulmariyay kubada. Daqiiqadii 29aad ayaa Melo waxaa mar kale beeniyay Lopez kaasoo badbaadiyay Real Madrid isagoo si wacan kubad u celiyay. Real Madrid ayaana gool lama filaan ah hogaanka ku qabatay daqiiqadii 3aad, Angel Di Maria ayaa kubad dheer u qaaday Isco, kaasoo si fiican u koontaroolay ka hor inta uusan shabaqa dhex dhigin, waana goolkiisii afaraad ee uu ka dhaliyay Champions League ka dib seddex gool kale uu u soo dhaliyay Malaga. Goolhaye Muslera ayaana dhamaadkii qeybta hore fursad ka badbaadiyay Ronaldo, iyadoo lagu kala nastay 1-0. Waxaana Galatasaray ka dhaawacmay Didier Drogba oo la bedelay. Seddex daqiiqo markii ay socotay qeybta labaad ayaa Galatasaray ay heshay fursad qaali ah, karoos uu soo dhigay Sneijder ayaa waxaa goolka hortiisa ku helay Burak Yilmaz kaasoo waqti iyo boos aan lagu ciriirineynin heystay, balse kubadii uu madaxeeyay waxa ay hareertay goolka. Daqiiqadii 54aad ayayna Real Madrid hogaanka ciyaarta dheereysatay, markii Benzema uu helay kubad uu si qaldan u madaxeeyay Meelo islamarkana si habsami leh u dabamariayay goolhaye Muslera isagoo ciyaarta ka dhigay 2-0 oo ay Real Madrid hogaanka ku heysay. Cristiano Ronaldo ayaana u seddexeeyay Real Madrid markii Di Maria kubad uu la maray Muslera uu ka kor qaaday Ronaldo, laakiin waxaa madax ku soo celiyay Isco taasoo u sahashay in Ronaldo uu shabaqa si sahlan ku gelio. Daqiiqado yar ka dib Ronaldo ayaa mar kale shabaqa soo taabtay ka dib markii laad xor ah oo uu soo tuuray Bale uu madax la helay Ramos waxaa soo badbaadiyay goolhaye Muslera ka hor inta uusan Ronaldo ku celin. Madrid ayaana heshay goolkeedii shanaad daqiiqadii 81aad ee ciyaarta markii Bale uu kubad u dhiibay Ronaldo kaasoo isna si deeqsinimo ah u siiyay Benzema oo shabaqa ku taabtay, waana goolkii labaad ee xiddiga Faransiiska uu ka dhaliyay ciyaarta. Ronaldo ayaana dhameystirtay seddexleydiisa ka dib markii mar kale shabaqa soo taabtay dhamaadkii ciyaarta isagoo dhaliyay kubad aad u qurux badan ciyaartana ka dhigay 6-1. Waa goolkiisii 206aad ee 204 kulan uu Cristiano Ronaldo u saftay kooxda Real Madrid, waxaana uu ugu dabaaldegay heshiiskii cusbaa ee uu dhawaan u saxiixay kooxda. Real Madrid ayaana caawa gaartay guushii ugu weyneyd ee lagu furay Champions League xilli ciyaareedkan iyagoo fariin u diray kooxaha u tartamaya hanashada koobkaan.




Dhanka Kale Juventus ayaa barbaro 1-1 kaal kulantay kooxda reer Denmark Copenhagen natiijo lama filaan ka dib markii uu dhuunta u galay goolhaye Wiland kaasoo fursadoo ciidaas ka badan ka beeniyay. Kooxda martida loo ahaa ee reer Denmark ayaa gool kaga naxsatay Juventus daqiiqadii 14aad ee ciyaarta markii Jorgensen uu si sahlan kubad shabaqa u dhex dhigay ka dib markii Juventus ay si xun u difaacatay laad xor ah oo ay Copenhagen heshay. Juventus ayaana isku dayday inay hesho goolka barbaraha ka dib markii daqiiqadii 20aad uu goolhaye Wiland uu si fantastik ah u badbaadiyay kubad madax aheyd oo ka timid Chiellini. Bianconeri ayaana ciyaarta inteeda badan maamuleysay iyagoo helay fursado badan balse uu goolhaye Wiland ka beeniyay Tevez, Quagliarela iyo Paul Pogba. Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda reer Denmark Capenhagen. Bilowgii qeybta labaad ayaana goolhaye Winland uu fursad dahabi aheyd ka badbaadiyay Tevez kaasoo goolhayaha kaliya uu ka xigay shabaqa. Fabio Quagliarella ayaana u barbareeyay Juventus daqiiqadii 54aad markii uu meel dhow isagoo u jira goolka kubad dhex dhigay shabaqa, taasoo ciyaarta ka dhigtay barbaro 1-1 ah. Juventus ayaana cadaadis sii saareysay kooxda reer Denmark iyadoo kubad ka timdi Pirlo uu goolhayaha badbaadiyay ka hor inta kubad madax aheyd oo uu tuuray Quagliarella aysan birta beenin. Wiland ayaana wacdarro dhigay isagoona fursado kale ka sii badbaadiyay Vidal iyo Carlos Tevez, iyadoo Juventus ay awoodeeda isagu geyneysay inay hesho goolka guusha. Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay barbaro 1-1 ah oo niyadjab ku aheyd Juventus madaama ay dadaaleen balse goolhayaha uu ka diiday inay kubada dib dhaafto.