argeysa(GNA) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa go’aamiyay in uu Dalka Itoobiya saaka u diro labada Wasiir ee wasaaradaha Arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade iyo Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, kuwaas oo maanta ka dhoofi doona Madaarka Jigjiga iyagoo marka hore dhulka sii mari doona.
Wasiiradani waxay dawladda Itoobiya iyo shirkadeeda diyaaradaha kala soo hadli doonaan caqabada joojisay Duulimaadyadii diyaaradeeda oo aan si ku talagal ahayn u joogsaday tan iyo intii madaarka Hargeysa la furay, iyagoo u bandhigi doona dhibaatada mudadaas la soo daristay dadkii uu diiwaan gashanaa diyaaradda oo illaa hada ku xaniban Hargeysa.
Lama oga illaa hada sababta rasmig ah ee ay diyaaradda Itoobiya Airline u joojisay Duulimaadyadeeda, hase yeeshee wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo arrintan ayaa sheegaya in ay la xidhiidho cabsi dhinaca Amaanka ah oo laga helay digniino.
Ma cada Dawladda Itoobiya in ay si rasmi ah u joojisay Duulimaadyadeeda iyo inkale, hase yeeshee ilo wareedyo aanu Xog hoose ka helnay ayaa Iftiiminaya in ay gabi ahaan ba joojinayaan Duulimaadyadooda, halka warar aan olagu kalsoonaan Karin ay sheegayaan in ay dalbadeen Berbera in ay ku noqdaan hase yeeshee Wasiirku ka hor istaagay.
Rakaabkii raaci lahaa Duulimaadyada Itoobiya Airline ayaa shalay ka hor mudaharaaday Xafiisyada Shirkadaasi ku leedahay hargeysa, balse waxa lagua qanciyay qaarkood in ay maanta ka dhoofi doonaan Jigjiga hase yeeshee qaar ka mid ah ayaa lagu soo waramayaa in ay diidan yihiin.
Xukuumadda Somaliland ilaa hada wax qorshe ah oo cad dadka xaniban umay diyaarin, waxaanay u muuqataa rajada kali ah ee aya la sugaysaa in ay ku xidhan tahay jawaabta ay wasiiradda baxayaa soo celiyaan.