Saturday, September 14, 2013

SL: M/weyne Siilaanyo oo markii ugu horaysay Dhoola-tus Milateri kala qayb-gelay Cutubyo ka tirsan Ciidamada oo Derejooyin ku lebisan


 Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa caawa isu-diyaarinaya inuu Maalinta berri ka qayb-galo munaasibaddo sida la sheegay is-barkan oo ka dhacay Xarunta Dugsiga Tababarka Ciidanka Milateriga ee Deegaanka Darar-weyne oo dhanka Barri kaga beegan Magaalada Hargeysa .




Sida ay Gobanimonews u Xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaadhaan-dhiga Somaliland, Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ka qayb-gelayo munaasibaddo isugu jira furitaanka Dugsi tababar oo Ciidamada Qaranka looga dhisay halkaasi, wanqal loo sameynayo Derejo qaybinta Ciidamada qalabka sida ee Somaliland oo 22 sanadood ka dib in ku dhow 10,000 askari bishii la soo dhaafay lagu tolay Garaado iyo waliba Dhoola-tus kooban oo cutubyo ka tirsan Ciidanka Derejooyinka qaatay ka sameynaayan halkaasi.




Ma jiro wax war ah oo aqalka Madaxtooyadu ka soo saaray safarka gaaban ee Madaxweynuhu saacadaha soo socda ku tegay Darar-weyne, hase ahaatee sida ay Gobanimonews ka heshay ilo-wareedyo aqalka madaxtooyada ku dhadhow, madaxweynaha ayaa isu diyaarinaya inuu farxadda la qaybsado tobanaan sarkaal oo muujinaya Haybadda Derejooyinka Ciidanka.




Madaxda  Ciidamada kala duwan  ee qalabka sida, Masuuliyiinta wasaaradda Gaashaan-dhiga iyo marti sharaf kale ayaa madaxweynaha kala qayb-gelaya munaasibadahaasi looga baahanyahay inuu mid walba miisaankeeda iyo micnaha ay leedahay ku waajaho.




Booqashadiisa Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Darar-weyne iyo Sal-dhiga Milateri ee halkaasi ku yaala oo Ciidamo badan lagu carbiyo sanad kasta ayaa noqonaysa tii ugu horaysay tan iyo markii uu xilka madaxtinimada la wareegay bishii jully ee sanadkii 2010-kii.




Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ah Madaxweyne aan inta badan  dhanka Milateriga u jajabnayn, isla markaana ka hadalka arimaha dalkiisu u badanyihiin dhinaca horumarinta Bulshada, ayaa sanadkii 2011-kii xadhiga ka jaray Dhisme aad u balaadhan loo dhisay wasaaradda Gaashaan-dhiga Somaliland, kaasoo ah mashruucii ugu horeeyay ee Wasaaradaasi lagu horumariyay intii xilka  hayay.




Wasiirka Gaashaan-dhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa todobaadkan Golaha Wakiillada  u sheegay in  xaflad miisaan weyn loogu wanqalayo Derejo bixinta Ciidanka qalabka sida, taasoo uu sheegay inay ku ladhantahay Dhoola-tus ciidan oo aanu xajmigeeda carab-baabin.




Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo sanad iyo badh ka hor ku dhawaaqay sameynta Derejooyinka dabaal-dega loogu wanqalayo, ayaa marka uu arko natiijada go’aankii uu arintaasi ku hir-geliyay oo ahaa mid hore loogu dhiiran waayay, laga yaabaa inoo balanqaad kale oo uu ku dhiiri gelinayo Saraakiisha ku dalacay Derejada iyo kuwa wali sugaya ka iclaamiyo Madashaasi, waxaanay taasi ku xidhantahay hadba sida uu yahay qorshihiisa ku talo gal ee horumarinta ciidamada qalabka sida.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com