Fadeexadaha musuq maasuqa ee maamulka madaxwayne Silanyo kuwa ugu waawayni midba maalin ha qaraxdo, ta madaarka Hargeysa waa bilaw inta soo socotaa ka sii daran masuuliyad doodu ciday ku wada arooraysaa na waa masuulka koobaad ee qaranka.
Madaxwayne Silanyo ama qayb ha ka ahaado ama yaanu ka ahaanin eh lacagaha ugu badan oo gaadhaysa malaayiin dollar kuwa loo tiriyo inay lunsadeen waxa ka mid ah inta isaga ugu dhadhaw ee wax walba uu ku aamino kalsoonida ugu badan na uu ku qabo. kuwaas oo isugu jira kuwo xilal sar sare ka haya xukuumadiisa iyo dar kale oo aan la garanayn xilal qaranka u hayaan laakiin qalinka odayga iyagu gacantooda ku haysta wixii ay doonaan na ku qorta odaygu na uu saxeexa uun ugu duugo. Marar badan ama inta badan kuwa ugu awooda badani maamulka Madaxwayne Silanyo waa kuwo aan qaranka wax xilal ah u haynin, hadana ka sii awood badan wasiirada ugu awooda badan xukuumadda, iyo madaxwayne ku xigeenka ba oo wixii ay doonaan sharci iyo sharci daro uu soconayo wixii ay ku gacan saydhaan na sharci iyo sharci daraba uu waxba kama jiraan yahay. Waa na kuwaa laftooda kuwa maanta dal iyo dad ba u taliya Somaliland hadii la ogolaanayo iyo hadii aan la ogolaanayn ba, hadii wax laga qaban karo iyo hadii aan wax ba laga qaban karayn ba.
Odayga talo kuma hadhin keliya wuxu madaxwayne inoogu yahay in awoodihii uu lahaa ee dastuuriga ahaa ay inta ku xeerani adeegsadaan oo weliba ay u adeegsadaan sida ugu xun ey u adeegsan karaan iyaga oon isaga u tudhayn, dalka iyo dadka na aan u tudheyn ee iyagu danta ay leeyihiin oo keliya ka raacanaya mana jirto dan kaloo ay leeyihiin oon ahayn lacag urursi. Sidaa daraadeed ayaa Musuq maasuqa aynu wada og nahay heerka uu gaadhay ee ina xusuusiyay cahdigii Siyaad Bare ay yihiin isha uu ka soo baxo iyo halka uu ugu dambaysta ku arooro.
Hadii inta ugu yar ay yihiin kuwo odayga ka naxaya magaciisa may bi'iyeen, isaga aaminay na may hoojiyeen,manay qaawiyeen ee marada ayay ku qaban lahaayeen dadka iyo dalka na way u tudhi lahaayeen. Xaalad kasta uu odaygu ku sugan yahay xal lama waayeen hadii maare loo heli karo casaabadda madaxtooyada baraysatay lakiin nasiib daro waxa adag in iyaga xal loo heli karo. Mashaariicda waawayn ee dalka oo dhan ee ama fashilay ama fashili doona sababta ugu wayn fashilaadoodu waxa loo tirin karaa inta ugu dhaw odayga ee dhex fadhida madaxtooyada iyo wasiirada idman gaar ahaan ka madaxtooyada, duulista iyo hawada, iyo macdanta oo iyagu ah kuwa ay hoos yimaadaan mashaariicda ugu waawayn ee ugu maalgelinta badan dhamaan mashaaricda dhinaca horumarinta ee dalku. Waxa xusid mudan mashruucii wadada Berbera/Tog Wajaale oo lacag ka badan boqol million ay EUdu u hayso lakiin ay diiday in lacagta mariso haya'd aan jirin oo la leeyahay waxay hoos timaadaa madaxtooyada, taas oo aan ahayn haya'd sharci ahaan ilaa iyo hadda dalka ka jirta. Markii EUdu ay diiday in wax lacaga ay wasiirka Madaxtooyada mariso waxa dhacday si dadka loo jiho wareeriyo in dhawaan wadada Hargeysa/Berbera laga bilaabay wax ay xukuumadu ka dhigayso ama doonayso in loo arko hawl ku saabsan dayac tirka wadadaasi lakiin xaqiiqadu tahay si kale. Hawshani waxay qayb ka tahay musuq maasuqa sidii xarka dalooliyay maamulka xkuumadda madaxwayne Silanyo waana qorshe la doonayo in lagu lunsado hanti kale oo weli ba ay ka mid tahay cashuuro hor leh oo wasiirka madaxtooyadu doonayo in looga ansixiyo aqalka wakiilada oo aan ka mid ahayn kuna jirin miisaaniyadda xukuumadda, iyadoo hore na wasiirka Duulista iyo Hawada loogu ansixiyay.
Mashruuca madaarka way cadayd tan iyo bilawgii in ay wax si ka yihiin, hadana marka la soo qaado wasiirka Duulista iyo Hawda waxa caado u ahayd inu afka gacanta saaro isaga oo isku deyaya inu reernimo ku raad gadto oo cidii goldaloolooyinka iyo qalaadka ka marag kacayay sida musuq maasuqa ahayd ee gebi ahaan ba loo maamulayay tan iyo bilawgiiba Mashruuca dayactirka madaarada Hargeysa iyo Berbera uu ku sheego qof necbaysi iyo qolo necbaysi. Sidaa daraadeed ayay in badan oo xog ogaal ahayd uga gaabsan jirtay inay wax ka sheegaan isagu na qudhun kiisa u huur sanayay. Deeqdii Kuwait oo ka badnayd toban million oo dollar qiyaas boqolkii labaatan ila sodan ayaa ka gashay madaarada Hargeysa iyo Berbera intii kale oo dhan waa la kala meelaystay.
Waxa ka daran basar xumooyinka indho sarcaadka ah ee kale. Sida caadiga mashaariicdu waxay isugu jiraan kuwo qorshaysan, kuwo socda, iyo kuwo dhamaaday. Mashruucu waa sax in la furo ama xadhiga la jaro marka uu dhamaado bal se xagee lagu arkay mashruuc socda oo la yidhaa waa la furayaa keliya waa jehiga madaxdeena qaarkood. Wadada kala Baydh/Wajaale oo inta ay le'eg tahay la garanayo ayaa markii shan kilomitir la taataabtay uu wasiirka Madaxtooyadu intu tegay xadhiga ka soo jaray mashruuci na wuu socdaa taasi na wax hore loo arkay maaha ee indhaha dadka ayuun baa lagaga jeedinayaa xaqiiqada dalka ka jirta.
Waxaynu ognahay mashruucii madaarka Hargeysa Egal International Airport oo aan hawshiisi dhamaanin in madaxwaynuhu tegay oo soo furay. Waxa la furay ma jirin runtii ee waxay ahayd shir qool sidiisa u yaalay waxa na ka dambeeyay wasiirka Wasiirka Duulista iyo Hawada oo isku deyey xataa inu ku qasbo in dhamaan duulimaadyadii shirkadaha dayuuradaha oo dhan loo soo wareejiyo Hargeysa, taas oo noqotay wax aan suurtgelin. Ethiopian Airline oo rakaabka ugu badnaa ka qaadi lahayd Berbera wasiirku wuu u diiday. Waxa kaloo wasiirku u diiday in rakaabkeeda ay dhulka mariso ilaa Jigjiga oo halkaa laga qaado. Markii wasiirka xag walba diidka ihi si walba diiday dhibaatadii ugu waynayd waxa soo gaadhay rakaabkii oo ka mid ahaa qurbo joogii sanadkan fasaxyadooda u soo qaatay Somaliland oo ah dalkoodii hooyo. Waxaas oo belaayo ah ninka dhigay lagama yaabo in xataa ay canaani ka soo gaadho, waayo waa wasiir idman oo madaxwaynuhu adeer u yahay lakiin runtii wuxu u qalmaa in maxkamad lagu taago dulmiga uu sameeyay iyo musuq maasuqa badheedhka ah uu caadaystay.
Waxa kaloo isna carqalad galay hadii aanu sidaa ba ku joogsan mashruuceedii sahanka oo dhibaatootyinka ka hor yimi oo dhan ay sababta kobaad tahay in heshiisyada la galay oo dhami ay qarsoodi ahaayeen qandaraasyada la bixiyay oo dhami na ay eex iyo qaraabo kiil ku salays naayeen. Waxa kale oo muhiim ah in aynu xusno wacyi gelintii bulshada oo aan haba yaraato eh jirin taas loo nisbayn karo laba sababood mid weeyee maadaama wuxu ba uu qarsoodi ahaa in laga baqday hadii wax la sheeg sheego ay wax soo bax baxaan aan la doonayn in la ogaado, waa tan labaade in wacyi gelinta iyo horumarinta bulshada ba ay kal a muhiim sanaatay qadar lacagta ahaa ee loogu talo galay oo ilayn hunguri wed ma arko eh lagu heshiiyay in la kala qaato ama la wada qaato cidii la iskaga jeedinayo na la iska jeediyo.Si kasta ba xaalku ha ahaado eh mashruucii sahanka shidaalka markii la damcay in la bilaabo ayaa qandaraas yadii qarsoodiga ahaa ee eexda iyo qaraabo kiilka lagu bixiyay sheekadoodi soo shaac baxday dabeed goobtii ugu horeysay ee shaqada ayaa ba la isku qabsaday. Dadkii degaanka oo baraad la' iyo niman ay wada garanayaan oo qandaraasyo wada haysta ayaa waxay arkeen iyagii degaankooda lagu qaatay qandaraasyada oo faro madhan dabeed markii ba foodaa la is daray. Wasiirkii iyo nin isna GENEL u wakiil ah hadana dhinaca kale qandaraasyada kaga jira oo in badan saamiyo ku leh ayay jiq ku noqotay. Dadkii cadaalad darada ka hor yimi waxa lagu sawiray dad lid ku ah horumarka iyo rejeda fiican ee ka soo if baxday mashruucan sahanka shidaalka oo markii ugu horeysay laga bilaabay dalka