Hargeysa(GNA)-Sheikh Maxamed Cumar Samatar oo ka mid ah Culimadda waaweyn ee Reer Hargeysa ayaa Khudbad uu Salaadii Jimcaha ee Maanta ka ka jeediyay Masjidka Nasru-diin ee Magaalada Hargeysa kaga waramay tiirarka Aasaaska u ah nidaam dawliga ah ee toosan iyo waxyaabaha fashila hadii aan laga hortegin.
Sheikh Samatar, ayaa sheegay in Maamulka suuban ee Dawliga ah, looga baahanyahay afar shardi oo aanu la’aantood tamarin Karin, kuwaasoo ay ka mid yihiin, ka shaqaynta Wanaaga oo Bulshada la faro , Cadaalad sugan, Maamul toosin iyo talo-wadaag Ijtimaaci ah iyo in horumarka ay ka shaqayso, halka uu shardiyadaasi cakiskooda ku tilmaamay kuwa kala dila Maamul dawliga ah iyo Dadweynaha doortay.
“afartaa Shardi hadii Dawlada laga waayo, waxa qurux ah ma yeelanayso, waxaanay ku dambeynaysaa bur-bur iyo kala dhaqaaq, waayo hadii ay dawladu dadka wanaag fari waydo, ee Cadaalada sugi waydo , ee ay shacbiga waxba ka dhegeysan waydo, wax allaale waxay qurux leedahay ma jirto”ayuu yidhi.
Sheikha ayaa Khudbadiisa ku soo qaaday, waxyaabaha bur-burka u horseeda nidaamyada dawliga ah ee Doorashada ku yimaada, isagoo hoga-tusaale ku sheegay inay jiraan dad aanay bulshadu dooran oo madaxweynuhu shaqo u dirta oo ku takri fala mansabka loo dhiibay, kuwaasoo buu yidhi iska horkeena dadka iyo hogaanka “ Maamulka wanaagsan ee hogaaminta loo igmado, had iyo jeeraale bulshadu way ka hortimaadaa haanu xulan dad tayo leh oo xilkas ah, waxaana qudhmiya kuwo uu shaqada u dirto oo jecel inay been isku difaacaan, dadkana iska horkeenaan”ayuu yidhi.
Waxaanu Buun-buuninta iyo difaaca Xukuumadda ku tilmaamay mid aan diinta iyo dawladnimada toona u wanaagsanayn, islamarkaana dadka waxaan dawladu qaban loo sheegaana ay xaarantahay, isagoo xusay inaan taageerada bulshada khasab iyo jujuub lagu kasban, balse lagu helo maamul wanaag iyo hufnaan siyaasadeed oo la tuso “Illaahay hadii uu dawlad wanaagsan kula damco dadkeeduu ku siiyaa, laakiinse in dadka been loo sheego, oo dawlada waxaanay qaban lagu amaano maaha, waxaana Nabigeenii Maxamed NNKH, laga soo wariyay inuu diidi jiray in wanaaga iyo horumarka uu sameeyo lagu amaano”.
Sheikhu Khudbadiisa oo aad u dheerayd, isla markaana socotay in ku dhow saacad, waxyaabaha kale ee uu ka hadlay, aadkana ugu dhaliilay waxa ka mid ahaa, shahaadooyinka Jaamacaduhu ku aamuusaan Madaxda dawlada ee beryahan dambe soo kordhaya iyo waajibaadka shacbiga ka saran ilaalinta danaha qaranka iyo Nabad-gelyada.
“iminka beryahan dambe waxaynu aragnaa shahaadooyinka Xafladdaha lagu bixiyo oo wasiirro la guddoonsiiyo, waxaanu ognahay in Shahadooyinka la siiyo aanay ahayn kuwo ay mustaysteen ee lagu siiyay isii oo qaado, ama waxa loo yaqaan (Give and take), annigu qofna sheegi maayo, balse waa waxyaabaha isbuun-buuninta keenaya, mana aha in umadda waxa lagu manjaro habaabiyo”ayuu yidhi.
Wadaadkan ayaa madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), u soo jeediyay inuu ka fiirsado ashkhaasta uu xilalka u dhiibtay ee boogta ku noqday hogaamintiisa, isla markaana daacad ka noqdo gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee loo dhiibtay, taasoo hadii uu fulin waayo aanu Maamulkiisu tamarin doonin.
Shacbiga ayuu sidoo kale ugu baaqay inay la xisaabtamaan dawlada iyo dadka ay xilalka u dhiibtaan, si wixii ka khaldama ay u saxaan, isagoo dhinaca kalena kula taliyay inaanay aqbalin wixii dhaawacaya masiirkooda dawladnimo iyo inay dad aan xil kas ahayni u isticmaalaan inay aragtidooda difaacaan.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com