Hargeysa(GNA)-Suldaanka Mukhtaar Jibriil Muuse oo sida la sheegay dhawaan loo Caleemo saari lahaa Suldaanka Guud ee Beelaha Bah-habar Magaado, balse laba maalmood ka hor Ciidanka Bilaysku Xabsiga dhigeen, ka dib markii sida la sheegay uu soo dacweeyay Wasiirka Wershaduhu, ayaa Maanta la keenay maxkamadda Gobolka, si dacwadda loo haysto loo dhegaysto.
Mukhtaar Jibriil Muuse oo maalintii saddexaad ku xidhan saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa, ayaa la sheegay in markii maxkamada la keenay wax Eed ah loo waayay, isla markaana Maxkamaddu cid ku muduci ahba wayday, taasoo sababtay inay Maxkamaddu dalbato in Eeda loo haysto la keeno, hadii kale la sii daayo.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in C.I.D-da lagu amray Ninkaasi Kiis ka soo gudbiyaan hadii kale xoriyadiisa loo soo celiyo, taasoo ay aqbashay Dambi baadhistu, isla markaana dalbatay in mudo maxkamadda ku keenayaan.
Suldaan Mukhtaar ayaa intaasi ka dib dib loogu soo celiyay Saldhiga dhexe, iyadoo maalmaha soo socda la filayo in dib loogu celiyo Maxkamadda , sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen xubno ka mid ah Eheladiisa oo goob-joogeyaal ahaa saaka.
Ma cadda ilaa hada Kiiska lagu haysto ee uu xabsiga ku mutaystay, balse waxa la sheegay in Wasiirka Wershadaha Abiib Diiriye Nuur ku soo dacweeyay sababo la xidhiidha Mansabka Madaxdhaqameed ee loo caleemo saarayo oo uu ka soo horjeedo.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com