Hargeysa(GNA)-Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleban Ciise Axmed Xaglo-toosiye ayaa saaka arroornimadii hore Kormeer ku tegay Xafiisyada Wasaaradda ee Gobolka Maroodi-jeex iyo qaar ka mid ah Xarumaha Hooyada iyo Dhalaanka ee Magaalada Hargeysa.
Xanaanada Dhexe ee Suuqa oo la yidhaahdo Dr. Khaalid, Xanaanada New Hargeysa iyo xarumo kale oo ka mid ah Goobaha Caafimaadka ee Hooyada iyo Dhalaanka ayaa ka mid ahaa goobaha uu Wasiirku booqday
Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Wasiirka oo la xidhiidha ujeedada kormeerkiisa, hase ahaatee Saraakiisha Caafimaadka ee Gobolka Marood-jeex ayaa Gobanimonews u sheegay inuu u kuur –gelayay tayada iyo tamarta adeegyada Caafimaad ee xarumahani bulshada u fidiyaan iyo baahiyaha ka jira ee ay u baahanyihiin in laga kabo.
Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka u hadlay waxa kale oo ay sheegeen inuu shaqaalaha iyo maamulka xarumahaasi ku amaanay shaqada ay bulshada u hayaan, kuna dhiiri geliyay inay sii laban laab-laabaan.
Sida uu sheegay Madaxa Caafimaadka Guud ee Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Faarax Axmed oo Gobanimonews u waramay “wuxuu u kuur-gelayay habsami u socodka adeega ay xarumahaasi bixiyaan ee Caafimaadka, waxaanu noo sheegay inuu joogteyn doono kormeerada noocan ah, isagoo runtii nagu hawsha aanu hayno, annaguna waanu ku amaanaynaa inuu noo yimaado oo uu nala eego shaqada iyo adeega aanu bulshada u fidino”ayuu yidhi.
Waxaanu intaasi ku daray “waayo waa wasiirkii ugu horeeyay ee mudadii xukuumaddani talada haysay nagu soo booqday xarunta dhexe ee Gobolka oo runtii shaqo balaadhan qabata”.
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleban Ciise Axmed , intii uu ku gudo jiray kormeerkiisa waxa uu indho-indheeyay Waadhadhka Umulaha ee Xanaanooyinkaasi, gaar ahaan Qaybta Dhalmada Dumarka ee Xanaanada dhexe iyo Waadhka Bukaan socodka ee xaruntaasi ku yaala.
Todobaadkii hore ayay ahayd markii uu sidan oo kale subax hore ku waa bariistay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, halkaasoo uu booqasho lama filaan ku ahayd shaqaalaha iyo Maamulka uu ku tegay, isagoo warbixino ka dhegeystay Masuuliyiinta iyo Hawl-wadeenada Caafimaadka ee Cisbitaalkaasi ka hawl-gala.
Talaabooyinka uu ugu kuur-gelayo xarumaha adeega caafimaadka ayaa lagu tilmaamayaa arin aad u muhiim ah, oo uu wax badan kaga ogaanayo duruufaha shaqo iyo adeeg ee ka jira iyo sida wax looga qaban karo, marka uu la tashado dadka farsamo ahaan gacanta ku haya.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com