Hargeysa(GNA)-Xisbiga Waddani, ayaa Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku dhaliilay ka qayb-galka Xafladaha qalin-jabinta Ardayda Jaamacaddaha dalka oo ay ku tilmaameenQorshe aan dhaafsiisnayn Hambalyo kale ku lamaanayn
Sidaasina waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed Xisbiga ka soo baxay oo uu ku saxeexanyahay Xoghayaha warfaafinta ee Xisbigaasi Maxamed Dirir, kaasoo u dhignaa sidan “Waxa baryahan dambe bulshada reer Somaliland la socotaa in madaxweyne Siilaanyo uu ka qaybgalo xafladaha qalinjabinta jaamacadaha waddanka isla markaasna uu bixiyo shahaadooyinka ay ardaydu ku guulaysatay iyada oo aanu madaxweynuhu wax qorshe ah oo intaas dhaafsiisan aanu u haynin ama aanu usoo jeedin ardayda iyadoo aynu ognahay tacabka badan ee la galiyey ardayda qalinjabinaysa waalidiin iyo macalimiinba.
Hadaba waxaanu leenahay madaxweyne lagaagama fadhiyin hambalyo iyo dhoolacadayn kaliya ee waxa lagaa sugayey in aad la timaado qorshe cad oo wax tar u noqda ardaydaas halganka dheer soo gashay.
Waxa kale oo layaab noqotay in madaxweynaha iyo inta ku ag xeerani ay xafladaha shardi kaga dhigaan inaan lagu soo casuumin Xisbiyada mucaaridka ah iyo cid kasta oo ay ka filayaan dhaliil taas oo ku cusub hab dhaqanka umadda Somaliland macnaheeduna yahay in madaxweynaha laga qariyo runta jirta.
Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI wuxu walaac weyn ka qabaa qorshe la’aanta iyo habaqlaha ay xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo dalka ku waddo
Alla Mahad Leh
Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI
Md, Maxamed Xasan Dirir.
Eeddeymaha Xisbiyada Mucaaridku u soo jeedinayaan xukuumadda talada haysa ayaa muddooyinka dambe noqday kuwo aan kala joogsi lahayn, waxaanay taasi abuurtay inay xukuumaddu canaan ka yaab iyo isdifaac ku jirto.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com