Tuesday, September 10, 2013

SL: Madaxweyne Siilaanyo oo laba Usbuuc gudahood ka qayb-galay Xafladii 3-aad ee Qalin Jabin Jaamacadeed ah iyo Shahaado PHD ah oo la guddoonsiiyay


 







Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxmauud (Silaanyo) oo maanta kala qaybgalay ardayda Golis University Qalin-jebintoodii 6-aad ayaa waxa uu ka mid noqday Xubno sharafeedkii ay jamacada Golis halkaasi ku gudoonsisay Shahaaddo Sharaf PHD ah.




Sidoo kale  waxa ay Jaamacadu Shahaadooyin Gudoonsisay Wasiirka Madaxtooyada JSL Mudane Xirsi CalI X Xasan oo isagu ku mutaysay Shaqada 24 ka Saac uu qaranka u hayo isaga oo marwalba diyaar ku ah xafiiskiisa madaxtooyada saacadii loo baahdaba taasi oo ay jaamacadu ku maamuustay Shahaadada loo yaqaan master waxaanay u balan qaadeen sanadka danbe in wasiirku uu qaadan doono PHD isagana looga baahan yahay uun inuu diyaariyo Thesis ama Buuga Qalin-jebinta.




waxa isna halkaasi shahaado sharaf ku mutaystay Ismaaciil Aadan Cusmaan wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Somaliland wakhtigii Dawladii hore iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland oo isna dedaal dheeraada oo uu ka sameeyey wax soo saarka Dalka ku mutaystay Shahaadadan waa Prof. Faarax Cilmi  Geedoole.




intaasi ka dib waxa madaxweynuhu uu shahaado Sharaf gudoonsiyey dhawr shirkadood oo ay jaamacadu ku qiimaysay dedaalka Dalka ay ka geysteen horumarinta waxbarashada, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen VOA,BBC-SOMALI, WORLD BANKA, HORN CABEL Tv iyo kuwo kale oo badan.




 ugu Danbayna madaxweynuhu waxa uu bixiyey koobab loogu talo galay ardaydii ugu saraysay jaamacada iyo laba arday oo ka mid ah shaqaalaha madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland kuwaas oo kala ah Cbadiraxmaan Faarax Xasan iyo Muxiyadiin Cabdiraxmaan Maxamed.




Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay inay dawladu ku faanayso mutacalimiinta sanad kasta ka soo baxa Jaamacadaha dalka “aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in maalin sanad walba dad aqoonyahan ahi jaamacadaha ka soo baxayaan, waanan ku faanaynaa qaran ahaan dadkaasi”ayuu yidhi.




Waxaanu intaasi ku daray “Da’yarta aqoonta baratay ee dalka ku soo kordhayaa waa kuwa beri dalka hogaamintiisa ka qayb-qaadan doona, waxaan ilaahay idiinka baryayaa inaad noqotaan kuwo aqoonta ay barteen dalka uga faa’ideeya”ayuu yidhi Madaxweynuhu.




 Munaasibadda qalin jabinta Ardayda Jaamacadda Golis ayaa noqonaysa tii saddexaad e madaxweynuhu ka qayb-galay ee mudo laba todobaad ah, waxaanu todobaadkii hore ka qayb-galay laba xafladood oo Jaamacadaha Camuud ee Boorama iyo ADMAS faraceeda Hargeysa u sameeyeen arday tiro badan oo dhamaystay culuum Jaamacadeed.




Gobanimonews




Hargeysa Office