Hargeysa(GNA)-Maamulka iyo Ardayda Jaamacadda ADMAS faraceeda Hargeysa, ayaa munaasibad sagootin ah u sameeyay Arday todobaadkii hore ka qalin jabiyay Kulliyadda Dhaqaalaha ee Jaamacaddaasi.
Munaasibaddan isugu jirtay Sagootin iyo Casho Sharaf, kana qabsoontay Xalay Hudheelka Ambasador Magaalada Hargeysa, waxa ka qayb-galay Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda Jaamacadda Admas, Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Ucid, xubno ka socday Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani iyo marti sharaf kale, kuwaasoo hadalo dar daaran ah halkaasi uga soo jeediyay Ardayda lagu maamuusay xaflada ambo-bixinta ah.
Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Admas Prof Xuseen Cabdilaahi Muxumed oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay qiimaha ay ku fadhido ahmiyad siinta aqoonta iyo Barashada Cilmiga dhaqaaluhu,waxaanu tilmaamay in dadka waxbartay looga baahanyahay inay abuuraan Mashaariic dhaqaale oo waddanka lagu horumarinayo “hadafka ugu weyn waxay ahayd inaad qaadateen aqoon dhaqaale oo ilaa Degree gaadhiisan, laakiinse waxa loo baahanyahay inaad ogaataan inay aqoontu dhamaan “ – “ aqoontu bar bilow bay leedahay ee malaha bar dhamaad”ayuu yidhi.
Waxaanu intaasi ku daray “markaa waa waxaan idin kula dardaarmayaa inaad halkaa ka soo wadaan barashada aqoonta oo ay daan ka hadhin.
“hadaad idinku mashaariic dhaqaale sameysaan heesaha maanta la dhegeysto waxa ka mid ah dalkeena Nimcaa fadhida, nimcadaasi fadhidaa way jirtaaye sidee loola soo baxayaa?, waxa loo baahanyahay in waddanka laga abuuro mashaariic, cidda mashaariicdaa soo saraysnaa waa idinka iyo aniga,markaa waxaan loo baahanyahay inaynu wax soo saar samayno, taana waxaan ugu boorinayaa Cilmiga aad barateen alifbaad ka joogtaa ilaa Albaqrana wuu idin sugayaa”ayuu yidhi.
Ayaan Axmed Cabdi oo ka mid ah Kooxda Ardayda ah Dhaqaalaha bartay, ayaa sheegtay inaan dadka aqoontan bartay laga faa’idaysan cilmiga ay barteen, isla markaana hay’adaha dhaqaalaha ee dalku aanay fursado shaqo siinin.
“dalkeenu wuxuu ku faanaa inaynu dhaqaale abuurno oo ay Wasaaradda Maaliyaddu Cashuur qaado, cashuurtaasi hadana meel ay ka baxdo iyo wax lagu qabto midna ma naqaano, waxanan aaminsanyahay inaanay dad aqoon dhaqaale lehi ka shaqayn, narkaa waxaan ku talin lahaa in Wasaaradda Maaliyada iyo Bangiga dhexe qaataan shaqaale aqoonta dhaqaalaha leh”ayuu tidhi.
Musharaxa Maddaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen oo isaguna xafladaasi ka hadlay ayaa ardayda u soo jeediyay inay Cilmiga dhaqaalaha ee la baray ku camal falaan, abuuraana Mashaariic shaqo abuuris ah, si ay door uga qaataan horumarinta Dhaqaalaha waddanka.
Jamaal Cali Xuseen oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “ horta dhaqaaluhu waa wax aad u fiican, waana waxyaabaha ugu fiican ee mar kasta lagu shaqaysan karo hadi qofku barto, oo waa aasaaskii nolosha, meel kastood joogtana waad ku shaqayn kartaa, markaa taasi waa mid aad nasiib u leedihiin maanta”.
Aqoonyahan jaamal ayaa sidoo kale sharaxay saameynta uu aduunka ku leeyahay Dhaqaaluhu “iminka waddankeena waxa ka jira shaqo la’aan badan, shaqo la’aantaasi waxaynu kaga bixi karnaa inaynu dhaqaalaheena hagaajino” – “adduunka waxa laysku dhaafay awoodaha dhaqaalaha oo waddanba waddanka uu ka dhaqaale badanyahay ayuu ka wood badan yahay, markaa waxaan idinkula dar-daarmayaa inaad Mashaariic dhaqaalaha lagu kabcinayo abuurtaan”.
Ardaydan ayaa todobaadkii hore la guddoonsiiyay Shahaadooyinka Cilmiga dhaqaalaha ee Degree-ga ah, waxaanay ka mid ahaayeen in ka badan afar boqol oo Arday oo ka baxay Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Admas.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com