Wednesday, September 11, 2013

Sergio Aguero: Manchester City Ayaa Ugu Cadcad Hanashada Horyaalka Premier League.


Sergio Aguero ayaa ku dooday in Manchester City ay ugu cadcadahay inay ku guuleysato Premier League xilli ciyaareedkan, iyagoo heysto koox weyn oo ay kula tartamaan Man United iyo Chelsea.




Kooxda Manuel Pellegrini ayaa horyaaalka ku bilaabatay guulo ay ka gaareen Newcastle iyo Hull City iyo guuldarro ka soo gaartay Cardiff City, iyagoo doonaya inay heleen boos ka fiican booskii kaalinta labaad ee ay ku dhameysteen xilli ciyaareedkii hore.




City ayaa mashquul ku aheyd xagaagii suuqa kala iibsiga iyagoo soo iibsaday Fernandinho, Jesus Navas, Stevan Jovetic, Alvaro Negredo iyo Martin Demichelis, taasoo uu aaminsan yahay Aguero inay heer ka sareeya kooxaha la tartamaya ay dhigeyso.




 




 




Weeraryahanka ayaa u sheegay Gazzetta Dello Sport: “Waxaa iga dhaadhacsan inaan ka awood badanahay sidii xilli ciyaareedkii hore. Waxa ay noqon doontaa xaqiiqdii horyaal si aad ah loogu tartamo, laakiin  waxaan heysanaa koox fiican oo aan horyaalka ku qaadi karno, waxaana dhihi lahaa inaan heysano koox ka fiican United iyo Chelsea.




“United ayaa noqon doona kuwa ugu dhow ee aan horyaalka ku tartano xitaa hadii ay tababare bedesheen, ka dibna Chelsea oo uu u soo laabtay Jose Mourinho. Tottenham waxa ay dhistay koox weyn, ka dibna waxaa mar walba joogta Liverpool.




“City maalgashi fiican ayay isku sameysay muddo sannado ah, waxaana ay u koreysaa si dhaqso ah oo weyn. Waan ognahay inaan ku qasbanahay inaan badino, ciyaartoyda cusub ee yimidna waa ay ogyihiin in City ay dooneyso inay ka mid noqoto kooxaha ugu waa weyn.”