Thursday, September 12, 2013

SL: Madaxweynaha iyo kulmiye oo ka shiray Dhaliilaha Mucaaridka iyo Dhaqaajinta Shir-weynaha Xisbiga


Hargeysa(GNA) Madaxweynaha Somaliland ayaa Qasriga Madaxtooyadda shalay oo arbaca ahayd  ku qaabilay Hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo xubno ka mid ah Wasiirrada cod karka ah ee Xukuumaddan si ay ugu Jawaabaan, Xisbiyada Mucaaridka ah.




Hogaanka Xisbiga kulmiye oo sida Caadiga Arbaca kasta la kulma madaxweynaha sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen xubno ka mid ah hogaanka xisbigu , ayaa  kulankan shalay waxa horyaalaya laba arimood oo kala ah  dood  maalmahanba ka taagnayd  qaabka loo qabanayo Shirweynaha Xisbiga oo ku began dabayaqaada bisha Diisambar iyo arintan Dhaliilaha Mucaaridka.




Xaga shir-weynaha Xisbiga Kulankan oo ahaa mid ay Albaadau u xidhnaayeen lama oga waxyaabaha lagaga wadahadlay, hase yeeshee ilo wareedyo u dhuun daloola  ayaa sheegaya in la isku hayo Guddida Fulinta Xisbiga oo qabyo ah, Guddida Qaban qaabada iyo Guddida Golaha Dhexe , kuwaas oo shirweynaha dib loogu wada dooran doono balse kuwa ay ku xidhan tahay qabsoomida Shirku la dhamaystiro qabyo ka muuqata.




Geesta kale ka jawaabista Dhaliilaha Xukuumadda xisbiga iyo Xukuumaddu waxay u saareen isla wakhtigaasi Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse iyo Wasiir u dawlaha maaliyada, kuwaasoo hada ku suntan xubnaha ugu aftahansan Wasiirrada xukuumadda, kana difaaci kara Eeddeymaha loo soo jeediyo.




Xisbiyada mucaaridka ah ayaa maalmahan Dhaliilo is-daba joog ah u jeedinayay Xukuumadda, waxaanay taasi abuurrtay culatys siyaasadeed oo hada laga dareemayo Golaha Xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye dhexdiisa.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com