Thursday, September 12, 2013

Burco: Odayaasha Mid ka mid ah Deegaamadii Sahaminta Shidaalka loo Xagaafay oo ku Cowday in Xaalufin Deegaan iyo Dhawac dad loo geystay


Burco(GNA)-Odayaasha, Gudoomiyaha Tuulada Gumbur libaax ee Gobolka Togdheer iyo waliba Caaqilka iyo odoyaasha uu ka soo jeedo dhibana Muwaadin uu waxyeelo u gaystay nin Ajinabi   ah oo ka mid ah shaqaalihii shirkada shidaal Baadhista ee Genel Energy ee dhawaan ka Guurtay Gobolka Togdheer,ayaa shir jaraa'id oo ay wadajir ugu qabteen Magaalada Burco  waxa ay kaga hadleen Dhibaatada degaan ee ay shirkada shidaalku u gaysatay,in degaankoodu nabad yahay iyo waliba dhaawaca ninkan muwaadinka ah ee dhaawaca loo gaystay oo ay sheegeen in ninkaas aan wax ba loo qaban.




Odayaashan ayaa dawlada ugu baaqay inay si dhakhso ah arimahan wax uga qabato.iyagoo sheegay in Maamulka Gobolku ay arintan waxba ka qaban waayeen. 
Ugu horayn Gudoomiyaha Tuulada Gumbur libaax Bile Samatar Jaamac oo arintan ka hadlay ayaa  yidhi''waxaanu halkan kaga hadlayanaa sadex qodob oo degaankayaga ku soo kordhay sedexdaas Qodob waxaa ka mid ah nin degaankii nin lagu dilay kaamkii qolada shidaalka ee Naqdhabiijo markii la dilayna lagu qariyay meeshaas si gaaladu u baxdo dadbadeedna aanu Gobolka keenay oo nalagu yidhi gaaladii baxday ee yaa wax waydiinaysaan,sagaal casho ayuu marayaa waanu jiifaa oo cid dhaqtar gaysay ma jiro ama soo eegtay.
waxaanu  wasaarada Arimaha Gudaha gaadhsiinaynaa in sagaalkaas casho Badhasaabka iyo Taliyaha qaybtu ay wax ka qaban waayeen ilaa intaasoo casho.
waxaanu kale oo ka hadllaynaa  war been ah oo ay qortay shebekada Burcoonline,warkaas oo sheegayay in degaanka Gumbur libaax lagu rasaaseeyay shirkada shidaal baadhista,waxaanu cid kasta la socdsiinaynaa inaanu jirin warkaasi,haba yaraatee cid degaankaas ah oo wax ku asaasaysay aany jirin degaanka Gumbur libaaxna uu yahay degaan nabad ah”.
Gudoomiyaha Gumburlibaax isagoo degaanka ka hadlaya waxa uu yidhi “waxa kale oo aanu shirka jaraaid u qabanayna waa degaankan laba iyo sodon sanadood meeshaas dhirta ka baxday waa la ilaalinaayay Gum burlibaax oo kaliya Kow iyo toban nin baa ka shaqeeya oo raashin aanu ku siinaa oo dawladu a siiso ee degaankaa iska ururiya,dhirtaasay xooluhu ku noolyihiin halka geed ee Galoolka ah Todobaatan Neef baa ku nool,dhulkii noocaas ahaa waxa laga soo daayay lix wado oo min laba iyo toban mitir ah,taasina waxay keentay nabaad guur,Gacamadii iyo beraagii ayay wax yeelaysay,dabadeedna shirkadii ayaa iska Guurtay intay dhulkii lama degaan ka dhigtay, Markii horena dawadu waxay na tartay ma jirto ee waxaan  madaxwayanaha ugu  baaqayaa in la yimaadoo oo la qiimeeyo dhibaatada taala degaanka”. 
geesta kale, Caaaqil Cali Siciid Maxamuud oo isna shirkaasi ka hadlay ayaa cabashadooda ku sheegay ''waxanu leenahay shirkad baa guurtay uun  yaan nala odhane meeshii hala yimaado oo waxa yaala degaankii hala eego,ragii lahaa cidna loo daba fadhiisanmayo way joogaan,waxaan leeyay hadii maanta ninka gaalka ah wax loo gaysas lahaa dawlada hargaysa joogta oo dhami way iman lahayd oo waxaa laygu odhan lahaa adaa caaqilkii ah ee soo qabqabo,iminkana Diyaarad gaar ah baa qaaday oo wuu iska tegay Ninkii wax loo gaystayna waakaa, hadana waanu sugaynaa.
Ugu danbayntii Oday Cismaan Maxamed Xiiray,Oday Axmed Maxamud iyo Cabdi Maxamed ayaa iyaguna dhamaantood Dawlada ugu baaqay inay arintan wax ka qabato dawladu isla markaana ay masuuliyadeeda ay u Gudato sida ugu dhaqsaha badan”ayuu yidhi Caaqilku.
Si kastaba ha ahatee maaha markii koobaad ee ay Dadwayanaha reer Burco Baaq u diraaan inay Xukuumadu wax ka qabato dhibaatada degaan ee ay shirkadani dhulka u gaysartay waxaana iyadoo uu Gobolkani yahay ka Halbawlaha u Xoolaha Nool ee dhaqaalaha dadka Somaliland ku tiirsanyahay. 

Axmed Muuse Maxamed 




Gobanimonews




Burco Office